4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 19, 2015
Kenya oo sheegtay inay dib u furayso Qaar ka mid ah Xawaaladihii ay horay xayirraadda u saartay


Jimco, Juun 19, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa soo saaray amar dib loogu furayo 13 xawaaladood oo ay Dowladiisa xirtay labo bilood ka hor, kuwaas oo lagu eedeeyay inay dhaqaale siiyaan Al-shabaab iyo kooxaha Argagaxisada ah.

Warbixin kasoo baxday Madaxtooyada Kenya ayuu Uhuru ku amray Bangiga Fhexe ee dalkiisa inuu kusoo saaro sharciyo ilaalinaya shaqooyinka xawaaladaha, si looga fogaado inay dhacaan is-daba-marinno dhaqaale.

Xawaaladaha xiran ayaa ka la ah: Dahabshiil Money Transfer, UAE Exchange Money Transfer Ltd, Kendy Money Transfer, Amal Express, Tawakal Money Transfer, Kaah Express. Jubba Express, Iftiin Express, Hodan Global, Amana Money Transfer, Bakaal Express, Continental Money Transfer iyo Flex Money Transfer.

Sidoo kale, Keyatta ayaa sheegay in go’aankan dib loogu furayo xawaaladaha uu qaatay kaddib markii warbixin laga siiyay horumarka laga sameeyay baaritaanka socda ee ku aadan dhaqalaaha la siiyo argagixisada iyo inuu helay codsi ah in looga dalbanayo in xawaaladahan uu xayiraadda ka qaado.

Madaxweynahs Kenya ayaa sheegay in aysan cabsi-galin doono Waxyaabaha ay samey-nayaan xoogagga Al-shabaab ee dalkiisa soo weeraraya.

Hadalka kasoo baxay madaxweynaha Kenya ee ah in la qaadayo xayiraadihii lagu soo rogay xawaaladaha Soomaalida qaarkood ayaa waxaa soo dhaweeyay ururka ay ku mideysan yihiin Xawaaladaha Soomaalida iyo Xiriirka Xawaaladaha Kenya (KFRA).

“Waan ku faraxsan-nahay tallaabada uu Qaaday madaxweynaha Kenya, taasoo noo ogolaaneysa inaan sii wadno howlaheenna, Waan u hamuun qabnaa inaan dib u billowno howlaheenii oo aan lacagaha u kala gudbino dalka gudaha dalka joogo iyo qurba-joogta,” ayuu yiri Madaxa KFRA, Anthony Wachira.

Isgaoo sii hadlaya ayuu intaas raaciyay. “Waxaan diyaar u nahay inaan Dowladda Kenya kala shaqeyno Xoojinta Sharciyo ilaalinayo Howlaheena. Waxaan sidoo kale diyaar u nahay in door muuqada ka qaadanno kor u qaadista dhaqaalaha Kenya, Waligeen ma maal-galin mana maal-galin doono Aragaxiso ama Danbiysaal.”

Ugu dambeyn, Xawaaladaha Soomaalida ee Kenya ayaa la xiray 9-kii bishii Abriil, kaddib markii ay Al-shabaab weerartay Jaamacada Gaarisa, halkaasoo ay ku dileen 148-qof oo u badnaa Ardaydii wax-ka-baraneysay Jaamacaddaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya