4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 19, 2015
Iska-horimaad Ciidamada Dowladda Somalia iyo Al-shabaab ku dhex-maray duleedka degmada Dooloow


Jimco, Juun 19, 2015 (HOL) — Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Somalia iyo Xoogagga Al-shabaab ayaa xalay ku dagaalamay deegaan lagu magacaabo Geed-weyne oo duleedka degmada Dooloow ee Gobolka Gedo ku yaalla, iyadoo aan illaa hadda la ogeyn khasaaraha ka dhashay weerarkaas.

Dagaalka ayaa qarxay markii dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ay weerareen saldhigyo ay ciidamada dowladda Somalia ku leeyihiin deegaankaas; iyadoo dadka deegaanku ay sheegeen inuu dhacay iska-horimaad culus.

Goob-joogayaal ku sugan Doolow ayaa laga soo xigtay in Xalay oo dhan ay Maqlayeen madaafiic iyo rasaasta fudud, inkastoo ay sheegeen inaan la ogeyn wax khasaare ah oo ka dhashay dagaalkan.

Wararka ayaa sheegaya in deegaankii lagu dagaalamay ay xiisado ka jirto, iyadoo ay ku sugan yihiin ciidammo fara badan oo kuwa dowladda ah sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadka ku nool deegaannada ku dhow halkaas.

Al-shabaab ayaa ka hadashay dagaalka iyadoo sheegtay inay khasaare xooggan gaarsiiyeen ciidamadii dowladda ee ku sugnaa fariisimaha ay weerareen, iyadoo ay ka gaabsadeen saraakiisha dowladda ee ku sugan Doolow inay dagaalkan wax faahfaahin ah ka bixiyaan.

Ma ahan markii ugu horreysay oo Al-shabaab iyo ciidamada dowladda Somalia ay ku dagaalamaan deegaanno ka tirsan Gobolka Gedo ee Koonfur Somalia, halkaasoo qaybo ka mid ah ay gacanta ku hayso Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya