4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 18, 2015
Madasha Midnimada & Dimuqraadiyadda oo War-murtiyeed kasoo saartay xaaladda Dalka (SAWIRRO)


Khamiis, Juun 18, 2015 (HOL) — Shir ay ka qaybgaleen siyaasiinta, xildhibaanada Golaha Badbaado Qaran iyo Axsaabta ku bahoobay Madasha Midnimada & dimuqraadiyadda ayaa waxaa lagu lafa-guray arrimo ahmiyad weyn u leh geeddi-socodka dib-u-dhisidda Qaranka, Waxaana kulanka Madasha laga soo saaray qodobbo ay ka mid yihiin:

(1) Geeddi Socodka 2016-ka:

• Madashu waxay Adkeynaysaa Aragtida ah: Xalka kaliya ee lagu Gaari karo Dowladnimo iyo xasillooni dhab ah inay tahay doorsho muwaadiniintu doorto wakiiladooda iyo madax-dooda. Waa suurto-gal in doorasho dhacdo ayadoo la adeegsanayo hanaanka doorashada ku dhisan nidaam xisbiyeed ama “Proportional Representation”

• Waxay si buuxda uga soo horjeedaa wax kasta oo aan ahayn doorasho, waxayna diidan tahay muddo kororsi iyo in awoodda shacabka la siiyo kooxo iyo shakhsiyaad soo xula wakiilo aan dadka matalin.

• Waxaan ugu baaqaynaa beesha caalamka inay dhagaystaan baaqa & rabitaanka shacabka gacanna ka geystaan doorasho laga qabto dalka.

(2) Mushaar La’aanta Ciidamada iyo Shaqaalaha Dowladda:

• Madashu iyadoo ka Xanuunsan Xaaladda nololeed ee Ciidamada iyo Shaqaalaha oo aan Mushaar Qaadan muddo dheer; Waana wax laga Xumaado in Dhaqaalihii lagu bixin lahaa mushaarooyinka loo isticmaalay hawlo aan mudneyn.

• Waxaan taageeraysaa soona dhaweynaysaa go’aanka xafiiska hantidhowrka guud ee ah in la xakameeyo lacagaha kale oo mudnaanta la siiyo mushaarka Ciidamada iyo Shaqaalaha.

(3) Boobka iyo Ku Takrifalka Hantida Qaranka:

• Iyadoo soo if-baxday boob balaaran oo hantidii ma guurtada ahayd ee qaranka & goobihii adeegyada bulshada.

• Madasha iyadoo la kaashanaysa bulshada Soomaalieed waxay Daba-gal ku Sameynayaan Arrimaha la Xiriira boobka lagu hayo Hantida Qaranka.

(4) Hawlqabadka Golaha Shacabka:

• Madashu waxay ka walaacsan tahay hawlqabadka golaha baarlamaanka oo ay muuqato in dano gaar ah awgeed laga weecinayo hawlaha muhiimka oo ay qaban lahaayeen.

• Xubnaha Golaha ShacabkaWaxaan ku Bogaadinaynaa dadaalka ya hayaan Waxaan ugu baaqaynaa inay xoogga saaraan dardargelinta hiigsiga sidii doorasho loo qaban lahaa 2016.

(5) Gunaanad:

• Madashu waxay ugu baaqaysaa shacabka Somalia inay u Midoobaan inay soo ceshedaan xaqooda doorshada, waxaan bogaadinaynaa xubnaha sharafta leh & taageeryasha Madasha Midnimada iyo Diimoqaraadiyadda dadaalka ay u galeen midaynta iyo dimuqraadiyeynta dalkeenna.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya