4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 18, 2015
WASIIRKA WARFAAFINTA DF: Soomaaliya Waxaa laga Ogol yahay Saddex nooc oo Warbaahin ah


Khamiis, Juun 18, 2015 (HOL) — Wasiirka Warfaafinta Somalia, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo Sharciga Saxaafadda ka hor akhriyey Baarlamaanka shalay ayaa Faahfaahin ka bixiyay qodobada uu Xambaarsan yahay Sharciga.

Maareeye ayaa sheegay in sharciga uu ka kooban yahay 31 qodob, isla markaasina uu soo jiitamayay muddo sagaal sano ah, isaguna ahaa Wasiirkii billaabay Qorista Sharciga markii uu Wasiirka Warfaafinta ahaa Sannadkii 2006-dii.

Sidoo kale, wasiirka ayaa xusay in Warbaahinta dalka ka jira qaarkeed ay hay’ado iyo dalal shisheeye isticmaalaan, laakiinse uusan jirin sharci xakameynaya.

“Xeerka Saxaafadda wuxuu fasaxayaa saddex nooc oo warbaahin ah, midda 1-aad waa warbaahinta Qaranka. Tan kale waa waa Warbaahinta Madaxa-bannaan iyo tan kale oo ah midda Bulshada oo sababo gaar ah u adeega sida kuwa ku shaqeeya dadka naafada ah IWM,” ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Dhanka kale, Maareeye ayaa intaas ku daray inay lagama maarmaan tahay in la helo Sharci sheegaya; Dhaqan iyo diin ahaanna waxaa ka reebban ama loo ogol-yahay Warbaahinta.

Ugu dambeyn, Sharciga Saxaafadda ayaa waxaa ka jira cabashooyin ay ka qabaan ururrada saxafiyiinta, iyadoo qodobka ugu weyn ee walwalka laga qabo uu yahay kan saxafiyiinta ku qasbaya inay sheegaan cidda ay xogta ka heleen, balse waxaa la filayaa in xildhibaanada ay turxaan bixiyaan waxaa ka qaldan sharcigan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya