4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 18, 2015
Deeqo kala duwan oo la Gaarsiiyay Bukaanno Isbitaalka ku jira iyo 175 Qoys oo Agoon ah (SAWIRRO)


Khamiis, Juun 18, 2015 (HOL) — Isbitaalka Guud ee Magaalada Laascaanood ayaa la gaarsiiyay deeq Raashin kala duwan ka koobanayd, halka xarunta agoonta Al-Manhalna Timir loogu qabiyay 175 Qoys oo Agoon ah.

Urur ay leeyihiin umulisooyinka iyo Kalkaaliyayaasha caafimaadka ayaa deeq raashin kala duwan ah ugu deeqay bukaanka jiifa isbitaalka guud ee magaalada Laascaanood.

Raashinkan oo ay ka mid ahaayeen Timir, Caano, Hadhuudh, Sharaab iyo qaar kale ayaa waxay ay ugu talo-galeen inay kaga qayb qaataan bisha barakaysan ee Ramadaan.

Gudoomiyaha Ururkaan Hinda Saleebaan Jaamac ayaa waxay sheegatay inay u muuqatay nolosha sidii ay ula wadaagi lahaayeen dadka caafimaadkoodu haatan dhantaalan yahay, taas oo Ilaahay umada isku eegayo.

Agaasimaha Isbitaalka, Fahiima Koosa-faare ayaa u mahad-celisay isla markaana ugu baaqday ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Gobolka Sool inay gacan siiyaan dadka dhibban ee isbitalka Laascaanood ku jira waxaanay si gaar ah u far-fiiqday Isbitaalka TB-da oo ah halka ugu dad badan.

Dhinaca kale, waxaa 175 Qoys loogu qaybiyay timir, kuwaasoo ah qoysas agoon ah, waxaana iska-kaashaday sida uu sheegay maamulaha xarunta agoonta Jaamac Daad Hablo dhaqaale bixiyey iyo xaruntan Al-manhal.

Madaxa shirkadda isgaarsiinta Golis Sheekh Aadan Cali Nuur oo halkaas ka hadlay ayaa ku baaqay bishani inay tahay bishii naxariista loona baahan yahay in cid walba cidda ka liidata ay isha ku hayso, waxaanu xusay in ka sokow in Agoonta la quudiyo Bisha Ramadaan loo diyaar garoobo ka farxinta ubadka maalinta Ciidda.

Qaar badan oo ka mid ah Culummada iyo Qurba-joogtii halkaas ka hadlay ayaa waxay ku baaqeen in meel kasta oo la joogo loo naxariisto agoomaha si Illaahay ummadda Soomaaliyeed ugu Naxariisto.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool