4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 18, 2015
WASAARADDA AMNIGA: Ma jiro khasaare ka dhashay Weerarkii ka dhacay Cadaado (SAWIRRO)

Khamiis, Juun 18, 2015 (HOL) — Wasaarrada Ammniga gudaha xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay in ay fashiliyeen isku day weerar xoogagga Al-shabaab damacsanaayeen ay ku qaadaan xarunta ay degan yihiin ergada ka qeyb-qaadaneysa shirweynaha magaalada Cadaado.

Afhayeenka wasaarrada ammniga gudaha Max'ed Yuusuf Cismaan ayaa sheegay in ciidammada ammniga ka hortageen isku day Afar ka tirsan dagaalyahannada Al-shabaab doonayeen in ay ku weeraraan xarunta Kafaalo ay degan yihiin odayaasha iyo ergada ku howlan soo xulista xildhibaannada mid noqonaya baarlamaanka loo dhisayo maamulka ka kooban gobollada Galguduud iyo Mudug.

“Weerarka waxaa uu ahaa mid fashilmay ciidammada ammnigana waa ay ka sii war hayeen gaariga is qarxinta geystay, kuwa weerarka soo qaaday dhamaantood isla goobta ayaa lagu toogtay ayuu yiri afhayeenka wasaarrada ammniga Max'ed Yuusuf Cismaan.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in gaariga lagu weeraray xarunta Kafaalo uu soo maray waddo dhabarka danbe ka ah dhismaha ay degan yihiin ergada, taa oo inta badan aysan gadiidku marin.

Guddoomiyaha guddiga farsamada shirka Xaliimo Ismaaciil [Xaliimo Yareey] ayaa dhinaceeda warbaahinta u sheegtay in wax saameyn ah uusan  weerarka ku yaalan ergada ka qeyb-qaadaneysa shirka.

Inkastoo wasaarrada ammniga iyo guddiga farsamada shirka intaba sheegeen in uusan jirin khasaaro dhaafsiisan ragga weerarka soo qaaday, haddana hoos ahaan looma oga xogta rasmiga ah khasaaraha uu sababay weerarka oo ahaa mid xoogan.

Weerarkan Ismiidaaminta ah oo noqonaya kii ugu horeeyay ee lagu qaado shirweynaha dhismaha maamulka gobollada dhexe waxaa mas'uuliyadiisa sheegtay xarrakada Al-shabaab

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya