4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 17, 2015
RAMADAAN KARIIM: Dalalka Islaamka oo inta badan looga Dhawaaqay Curashada Ramadaanka


Arbaco, Juun 17, 2015 (HOL) — Inta badan Dalalka Dunida Muslimka ayaa ku dhawaqay Caawa in Berri ay tahay Maalinta Koowaad ee Bisha Barakeysan ee Ramadaan, waxaana Dowladaha ku dhawaaqay Ramadaanka ka mid ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dalalka ku dhawaaqay inay berri tahay maalin Ramadaan ah ka mid ah; Soomaaliya, Saudi Arabia, Masar, Qatar, Kuwait Jabuuti, Malaysia, Imaaraadka Carabta, Indonesia, Iiraan iyo kuwo kale oo fara badan.

Wasaradda Diinta iyo Owqaafta Soomaaliya ayaa Caawa Shaacisay in Maalinta Berri ah ay Tahay Ramadaan, kaddib markii bisha Ramadaan laga arkay Degmada Xudur ee Gobolka Bakool.

Macallin Aadan Caddow oo ah wasiir ku xigeenka Wasaarada Diinta & Owqaafta Somalia, ayaa Warbaahinta u sheegay in Berri oo Khamiis ah ay bisha Ramadaan kow tahay, isagoo Ummadda Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay Bilashada Bisha Barakeysan ee Ramadaanka.

DHAGEYSO: AXKAAMTA SOONKA - SHEEKH MAXAMED CABDI UMAL;

Hay’adda Culummada Soomaaliyeed iyo Wasaaradda Diinta iyo Owqaafta Somalia ayaa Sheegay in Bisha Ramadaan laga arkay degmada Xudur ee Gobolka Bakool, iyagoo xusay inay Bisha Ramadaan arkeen Shan Qof oo lagu Kalsoon yahay.

Sidoo kale, Somaliland iyo Puntland ayaa ka mid ah Meelaha looga dhawaaqay inay berri tahay Maalinta koowaad ee bisha Ramadaan oo socon doonta muddo 30-casho ah ama 29-casho, iyadoo muddadaas muslimiintu ay ku jirayaan cibaado.

Culummo Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin; Sheekh Bashiir Axmed Salaad, Sheekh Cali Sheekh Maxamuud (Sh, Cali Dheere), Sheekh Cabdullaahi Axmed Garuun, Sheekh Yuusuf Cali Ceynte iyo Sh, Maxamed Kheyrow Aadan ayaa ummadda Soomaaliyeed ku Boorriyay inay ka Faa’iideystaan Maalmaha Kooban ee lagu jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaanka.

Ugu dambeyn, bahda HOL oo isku duuban ayaa waxay Muslimiinta Dunida ugu Hambal-yeynayaan Curashada Bisha Barakeysan ee Ramadaan, taasoo Sannadkiiba mar soo marta Muslimiinta Caalamka ku nool.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya