4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 17, 2015
Shirkada Isgaarsiinta Hormuud oo Ramadaanka Awgiis sameysay Qiimo-dhimis Ballaaran

Arbaco, Juun 17, 2015 (HOL) — Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa maanta sheegtay in ay macaamiisheeda u sameysay Ramadaanka Awgiis Qiimo-dhimis dhanka Wicitaannada Taleefoonnada ah.

War-saxaafadeed ay Hormuud soo saartay ku sheegtay in qofkii ku shubta 5 Doollar oo ku hadal ah uuhelayo 30 daqiiqo oo dibadda ah,  isagoo wici kara Wadamada: Saudi Arabia, Imaaraadka, Kuwait, Morocco, Turkiga, Kenya, Ingiriiska, Maraykanka, Canada, Norway, Sweden, France, Denmark, Belgium, India Bulgaria, Ireland, Hungry, Itoobiya, Austria, China, Malaysia, Switzerland, Holland, Spain, Mexico, Romania, Pakistan, Bangladesh iyo Greece.

Haddaba Akhriso Qiimo-dhimista gudaha iyo dibadda ah ee ay Hormuud Sameysay;

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya