4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 17, 2015
Cutubyo ka tirsan ciidamada Booliiska Somalia oo maanta Dhoolla-tus ku Sameeyay Muqdisho (SAWIRRO)


Arbaco, Juun 17, 2015 (HOL) — Cutubyo ka Tirsan Booliiska Somalia ayaa Maanta ku Sameeyay Muqdisho Dhoolla-tus ay ku muujinayeenn cududooda, iyadoo la sheegay in loogu talo-galay inay Ammaanka Muqdisho sugaan.

Ciidamadan ayaa socod ku maray Waddada dheer ee isku-xirta Isgoyska Lambar Afra iyo Taallada Daljirka Dahsoon, iyadoo ay ciidamadan salaam-sharaf siiyeen taliyaha guud ee ciidamada booliiska Somalia iyo saraakiisha kale ee booliiska.

Saraakiisha booliiska Somalia oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in ciidamadan ay yihiin kuwo loogu-talogalay inay adkeeyaan Amniga caasimadda Soomaaliya inta lagu jiro bisha Ramadaan oo laga baqdin qabo inay Al-shabaab weeraro ka geysato.

Waxay saraakiishu intaas ku dareen in Ciidamadan Booliiska ah oo Tabbabar loo soo xiray dhammaaday ay amniga wadooyinka Muqdisho ka shaqeyn doonaan, iyagoo xusay in laga qaadayo ciidamadii nabadsugidda ahaa ee horay ugu sugnaa.

Taliyaha ciidamada booliska Somalia, Jen. Maxamed Sh. Xasan Xaamuud ayaa isagana u sheegay Warbaahinta bisha Ramadaan uu Amniga Muqdisho wax weyn iska bedeli doono, shacabkuna ay dareemi doonaan Xasiloonni iyo Nabad.

“Ciidamadan waxay ka hortegi doonaan kuwa doonaya inay Ammaanka Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho ay Qal-qal-geliyaan inta lagu jiro Bisha Ramadaan, waana Ciidamo tababar wanaagsan qaba,” ayuu yiri Jen. Xaamud.

Ugu dambeyn, taliyaha ayaa ballan-qaadaaya in Shacabka Muqdisho ay Ammaan ku soomi doonaan, ayna nabadgalyo ku ciidi doonaan Ramadaanka kaddib.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya