4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 17, 2015
KENYATTA: Ciidamadeenna kama soo Saarayno Somalia Waxayna sii Wadayaan Howlgalkooda


Arbaco, Juun 17, 2015 (HOL) — Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa mar kale ku celiyay in ciidamadiisa ku sugan dalka Soomaaliya aan laga soo saari doonin, isla Markaana ay Xoojin doonaan Dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab, isagoo Gaashaanka ku dhuftay hadallada ku aaddan in ciidamada Kenya laga soo saaro Somaila.

Ciidamada Kenya ee ku sugan Somalia ayaa soo galay sanadkii 2011-kii, iyagoo ku biirray xilli dambe ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, si ay uga qaybqaataan qorshaha uu caalamku ku caawinayo Somalia si nabadda loosoo celiyo.

Al-shabaab ayaa horay u sheegtay inay joojinayso oo keliya weerarada ay Dalka Kenya ka geysanayso marka xukuumadda dalkaas ay ciidankeeda kala baxdo dalka Somalia, kaddib markii ay ku eedeeyeen inay dhibaatooyin ka geysanayaan Somalia.

Kenyatta ayaa sheegay in qorshaha Kenya ee arrimaha Somalia uu yahay mid Cad, kaddib kulan looga hadlayay xoojinta howlgalka Somalia oo lagu qabtay Maalmo ka hor Konfur Afrika; kaasoo ay ka qaybgaleen xubno ka socday dalalka Jabuuti, Uganda, Itoobiya iyo Burundi oo qayb ka ah howlgalka AMISOM.

Qoraal uu maanta soo saaray Kenyatta ayuu hadalkiisaan ku xoojiyay, isagoo ku sheegay in ciidamada Kenya ay qayb kasii ahaan doonaan howlgalka AMISOM ee lagu xoojinayo Nabadeynta Geeska Afrika.

“Waxaan nahay Qaran xushmeeya oo aqoosan xuquuqda uu Qof walba leeyahay, Waxaan kaloo Aqoonsannahay Xuquuqdooda Cibaado. Mana Aqbalayno in Cid ay nagu Khasabto wax aanan doonayn,” ayuu yiri Kenyatta oo booqday Ciidamadii uga dhaawacmay Kenya weerarkii ay Al-shabaab ku qaadday saldhigga ciidan ee Lamu.

Hadalka Madaxweynaha Kenya ayaa imaanaya xilli dhawaan ay xildhibaanno kala duwan oo ka tirsan Baarlamaanka Kenya ay ugu baaqeen xukuumadda inay Somalia kasoo saarto , si loo xoojiyo amniga guud ee Kenya.

Ugu dambeyn, Taliyaha Millateriga Kenya, Jen. Samson Mwathethe ayaa isagana Wacad ku maray inay Xoogga saari doonaan sidii ay Al-shabaab dhulkooda uga sifeyn lahaayeen, Wuxuuna intaas ku daray inay ku Weerari doonaan Meelaha ay kaga Sugan yihiin Kenya, hadddii ay ahaan lahaayeen bad iyo barriba inta ay ka saarayaan xukuumadooda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya