4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 17, 2015
Koonfur Afrika oo laga Xusay Sanad-guuradii 55-aad ee Maalmaha xorriyada Somalia (SAWIRRO)


Arbaco, Juun 17, 2015 (HOL) — Xaflad ballaaran oo lagu Xusayay Maalmaha Xoriyadda Soomaaliya,  laguna soo beegay maalinta dhallinyarada Koonfur Afrika ayna kasoo qayb-galeen xubno ka socday Xisbiga Talada Koonfur Afrika haya ee ANC, Ganacsato, Aqoon-yahanno, culummada, Haween iyo dhallinyaro oo ay soo abaabuleen Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika ayaa lagu qabtay Magaalada Johannesburg.

Xuska ayay Xubnihii kasoo Qayb-galayay ka jeediyeen Khudbado u badnaa Macnaha ay maalmaha xoriyadda Soomaaliyeed ku fadhiyaan, iyagoo sheegay inay mar walba habboon tahay in Dhallintii dhalatay intii Soomaaliya ay burburka ku jirtay ee Quraha ku nool in la xasuusiyo magaca iyo calanka Soomaaliyeed inay u dhinteen dhallinyaro, loona baahan yahay in iyaguna ay ka qayb-qaataan sidii xoriyaddaas loo dhowri lahaa.

Sidoo kale, Xafladda Maalmaha xoriyadda Soomaaliya ee 26-ka June iyo 01-da Luuliyo ayaa intii ay Socotay Waxaa lagu soo Bandhigay Cayaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka iyo heeso waddani ah oo lagu muujinayay sida waddaniyadda, iyadoo ay dhallintii ka qayb-galay aad ugu farxeen.

Dhanka kale, Xubnihii ka socday Xisbiga ANC ee Koonfur Afrika oo iyaguna kasoo Qayb-galay Munaasabadda ayaa Sheegay in 16-ka Juun ay Koonfur Afrika u Asteysay Maalinta dhal-linyaradii xoriyadda gaarsiiyay dalkooda, iyadoo ay sheegeen in maalintani ay tahay maalin loo baroordiiqo in ka badan 700 oo dhallinyaro ah oo hal-meel lagu dilay.

Si kastaba ha ahaatee, Munaasabadaha Maalmaha Xorriyadda Soomaaliya ayaa laga soo Horumariyay Xilligooda kusoo beegmayso Bartamaha Bisha Ramadan oo ah Bil cibaado, maadaama aan loo heli karin fursad lagu xuso, sidaas darteedna aan laga tagi karin xusida maalmahaan Qiimiga u leh bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Mahad Maxamed Sheikh (Istiila)
E-mail:
[email protected]
Johannesburg, South Africa