4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 17, 2015
Guddoomiyeyaasha Cusub ee Gobolka Bay iyo Degmada Baydhabo oo Maanta xilka la wareegay


Arbaco, Juun 17, 2015 (HOL) — Munaasabad Xil-wareejin ahayd oo Maanta lagu Qabtay Xarunta Madaxtooyada Degmada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, ayaa Waxaa Xilalkii kula Wareegay Guddoomiyaha dhawaan la magacaabay ee Gobolka Bay, Rashiid C/llaahi LSP iyo Guddoomiyaha Degmada Baydhabo, C/llaahi Mad-Watiin, Waxayna Xilalka kala Wareegeen Guddoomiyahii hore ee Bay, Cabdi Aaadan Hosow iyo kii degmada Baydhab, Xasan Macallin Biikole.

Xafladda Xil-wareejinta ah ayaa Waxaa kasoo Qayb-galay Xubno ka Tirsan Wasiirrada Koonfur-galbeed, Nabaddoonada, Sariikiisha Ciidamada Dowladda, Aqoon-yahannada Gobolka, Siyaasiin iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada, iyadoo aad loo adkeeyay amniga xarunta Madaxtooyada Koonfur-galbeed.

Guddoomiyahii hore ee Gobalka Bay, Cabdi Aaadan Hoosow ayaa Wuxuu ka hadlay Haw-lahii waxqabad ee uu soo qabtay isagoo sheegay in xilligii uu xilka hayay aysan dhicin wax khilaaf gudaha ah ama iska-horimaad qabiil, wuxuu kaloo uu ka hadlay Mashaariic horum-arineed oo laga qabtay Gobolka.

Sidoo kale, Guddoomiyahii hore ee degmada Baydhabo, Xasan Biikole ayaa isaguna xusay inay wax ka Qabteen dhinaca nabadgalyada, caafimaadka, Waxbarashada, wuxuuna sidoo kale soo dhaweeyay Maamulka Cusub ee Xilka lagu Wareejiyay.

Ugu dambeyn, labada gudoomiye ee loo magacaabay gobalka Bay iyo degmada Baydhabo, Rashiid C/llaahi iyo C/llaahi Mad-Watiin ayaa waxay sheegeen inay wax-ka-qaban doonaa waddooyinka Bur-bursan iyo Xaaladda Ammaanka ee Gobalka Bay, iyagoo Sheegay in ay isku-furi doonaan dhamaan Waddooyinka Gobalka Bay; Waxayna ka codsadeen bulshada gobolka ay ka helaan wada-shaqeyn Wanaagsan.

Hiiraan Online, Baydhabo