4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 17, 2015
SAWIRO: Qaar ka mid ah Wasiirada Puntland ee kusoo baxay Isku Shaandheynta oo la Dhaariyay


Arbaco, Juun 17, 2015 (HOL) — Waxaa maanta Xilalka loo Dhaariyay Afar Wasiir oo ka mid ah Wasiirrada Cusub ee kusoo baxay isku-shaandheyntii uu C/weli Gaas ku sameeyay shalay isku-shaandheynta, waxayna lagu hor-dhaariyay madaxweynaha Puntland.

Afarta Wasiir ee maanta loo dhaariyay xilalka oo magacaabay waxay kala yihiin;

1. Wasiirka Amniga, Cabdi Xirsi Cali Qar-jab
2. Wasiirka Maaliyadda, Cabdullaahi Sheekh Axmed
3. Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Cabdi-jamaal Cismaan Maxamed
4. Wasiirka Beeraha iyo Waraabka, Cabdullaahi Cali Xirsi.

Dhaarta kaddib ayuu madaxweynaha Puntland u hambalyeeyay dhamaan wasiirada cusub ee xilalkooda loo dhaariyay, isagoona Alle uga baryay in howsha hortaalla uu u fududeeyo, ayna noqdaan kuwo ku guuleysta Shaqada loo igmaday.

“Waxaan idin kula Dar-daarmayaa in sidaad u dhaarateen aad ugu Shaqeysaan Dadkiinna, daacad u ahaataan, wixii mas’uuliyadiinna wax u dhimaya aad ka digotoonaataan,” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland oo dhaarinta kaddib hadlayay.

Gaas oo sii Hadlayay ayaa intaas ku daray. “Waxa la idinka doonayaa inaad 24-ka saac shaqeysaan, Mas’uuliyad baad Qaaddeen Ogaadana ummadda oo dhan ayaa idin sugays. Howsha waa howl aad iyo aad u dhib badan waana muhiim in xilkiinna aad gudataan.”

Sidoo kale, madaxweynaha Puntland ayaa u Mahad-celiyay Wasiirradii hore xilalkaan hayay, isagoona ku amaanay dadaalkii iyo howshii adkayd ee ay qabteen muddadii ay xilalkaan hayeen.

Ugu dabmeyn, Wasiirrada maanta la dhaariyay ee ayaa ka mid ah Siddeed Wasiir oo ku cusub maamulka Puntland, waxaa la horgeyn doonaa Golaha Wakiilada Puntland si ay codka kalsoonida ah ugu qaadaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya