4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 17, 2015
Sarkaal ka Tirsan Al-shabaab oo la Sheegay in uu ku jiray Xoogagii lagu Dilay Weerarkii Lamu

Arbaco, Juun 17, 2015 (HOL) — Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo lagu magacaabi jiray Luqmaan Cismaan Ciise oo loo yaqaannay Shirwac ayaa la Sheegay inuu ka mid ahaa xoogaggii lagu dilay weerarkii Axaddii lasoo dhaafay ka dhacay Saldhig Ciidan oo ku yaalla deegaanka Lamu ee Gobolka Xeebta dalka Kenya.

Wiil ay walaalo yihiin Luqmaan ayaa Warbaahinta ugu sheegay Mombasa Khamiistii in Walaalkiis ka yar lagu dilay Weerarkii ka dhacay Lamu, isagoo xusay inuu ka mid ahaa ardaydii Soomaaliyeed ee wax ku bartay dalka Uganda.

Bashiir Cismaan Ciise oo ka weyn Luqmaan ayaa sheegay in markii ay geeridiisa ka war-Heleen ay ku War-geliyeen Guddoomiyaha Mombasa Nelson Marwa, wuxuuna intaas ku daray in walaalkiis uu Al-shabaab ku biiray sannadkii 2009-kii.

“Luqmaan wuxuu ahaa Walaalkey iga yar, wuxuu dhashay Sannadkii 1984-kii, wuxuuna wax ku bartay magaalada Mombasa, markuu ka baxay Dugsiga sare ayuu Jaamacadda u aaday Uganda, halkaasoo uu kasoo qaatay shahaadaha koowaad ee BA-ga oo ah maamulka ganacsiga,” ayuu yiri Bashiir Ciise.

Sidoo kale, Bashiir ayaa xusay in walaalkiis Luqmaan uu soo wacay markii uu ku biirayay Al-shabaab, xilligaas oo uu kasoo baxay Jaamacadda uuna aaday Somalia, isagoo sheegay inuu 2009-kii si rasmi ah ugu biiray Al-shabaab.

Taliyeyaasha Booliiska Lamu ayaa Sheegay in Luqmaan uu ka mid ahaa 11 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay deegaankaas, kaddib markii ay weerareen saldhig millateri oo ku yaalla deegaanka Bargoni oo 39-km Waqooyi ka deegaanka Lamu.

Xubnaha Al-shabaab ka Tirsan ee Weerarkaas lagu dilay ayaa Waxaa ku jiray Ruux dalka Britain u dhashay oo dagaalamayay Al-shabaab iyo dagaalyahan kale oo u dhashay Kenya oo lagu magacaabi jiray, Abdalla Hemed oo loo yaqaannay Hamza.

“Runtii Naxdin weyn ayay nagu noqotay maqalka geerida walaalkey, balse walaac aan ka qabno ma jirto, maxaa yeelay isaga ayaa doortay inuu Noloshiisa Halligo,” ayuu hadalkiisa ku daray Bashiir Cismaan.

Isagoo sii Hadlaya ayuu intaas ku daray in Walaalkiisa looga Dhaadhiciyay inuu ku biiro Al-shabaab mid ka mid ah Masaajidda ku yaalla Magaalada Mombasa ee Dalka Kenya.

“Walaalkey ma uusan Guursan inta aan ka war-hayo, Wuxuuna ii sheegay inuu ku biiray Jihaadka ay waddo Al-shabaab. Ma sheegi karo inuu Somalia ku guursaday, balse Kenya intii uu joogay ma guursan,” ayuu hadalkiisa ku daray Bashiir.

Ugu dambeyn, Hadalkaan ayaa imaanaya xilli dowladda Kenya ayaa horay ugu eedeysay culummada Islaamka ah ee Mombasa inay Dhallinyarada Kenyanka ah ka dhaadhicyaan inay ku biiraan Al-shabaab si ay ugu dagaalamaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya