4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 17, 2015
Dastuurka Maamulka loo Dhisayo Gobollada Galguduud iyo Mudug oo Maanta la Meel-mariyay


Arbaco, Juun 17, 2015 (HOL) — Ergada ka Qayb-galaysa kulanka lagu dhisayo Maamulka Gobollada Dhexe ee ka socda Magaalada Cadaado ee Gobolka Galguduud ayaa goor-dhow si rasmi ah u Meel-mariyay Dastuurka uu yeelanayo Maamulka loo Sameynayo Gobollada  Mudug iyo Galguduud.

Dastuurka ayaa waxaa Codka Kalsoonida ah siiyay 310-ergo oo ka mid ah 351 ergo oo ka mid ah ergadii kulanka goob-joogga ka ahaa kulanka, iyadoo ay diideen 12 ka mid ahnaa ergooyinka, halka ay ka aamuseen 29-xubnood.

Sidoo kale, Waxaa ka mid ah Dastuurkan Qodobbo Muran badan Dhaliyay, iyadoo lagu sheegay Dastuurkan in xarunta maamulka gobolka Galgudud ay tahay Magaalada Dhuuso-mareeb oo uu horay Madaxweynaha Somalia horay u Shaaciyay.

Waxaa kaloo dastuurkan qodobbada ku jira ka mid ah; in Magaca Maamulkan cusub uu noqonayo Galmudug, waxaa kaloo ku jira in Xildhibaannada maamulkan ay 78-xubnood noqonayaan.

Meel-marinta Dastuurkan kaddib ayaa waxaa ka Warbixiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya, C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) in dastuurkan noqon doono mid lagu maamuli doono maamulka cusub ee Galguduud iyo Mudug.

Odawaa ayaa intaas ku daray in Shirka uu ka Gudbey Marxaladdii labaad, uuna u gudbayo wajigii saddexaad oo lagu soo xulo Xildhibaanada Baarlamaanka uu yeelanayo Maamulka Cusub ee Gobollada Dhexe.

“Muddo 10 Maalmood Gudahood ah ayay Xildhibaannada u yeelan doonaan Kulankoodii ugu horreeyay, kaasoo ay kusoo doortaan guddoonka baarlamaanka, kaddibna ay gudo geli doonaan howlaha u harsan,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa ka hadlay wadahadaladii uu la lahaa Ahlusunna Waljamaaca isagoo xusay inay meel wanaagsan marayaan, ujeeddaduna ay tahay sidii Dhuuso-mareeb ay u noqon lahayd Caasimadda maamulka cusub ee Galmudug, halkaasoo maamulku uu ku shaqeyn doono.

Si kastaba ha ahaatee, Magaca GALMUDUG oo la isku Raacay in uu Noqdo Magaca uu Qaadanayo Maamulka Gobollada Galguduud iyo Mudug ayaa horay u jiray, kaasoo uu ka ahaa madaxweyne Jen. Cabdi Qaybdiid oo Haatan ka mid ah Murashaxiinta u Tartamaya Xilka Madaxweynenimo ee Maamulka Mudug iyo Galguduud.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya