4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 17, 2015
Deeq Lacageed oo loo Qaybiyay 270 oo Qoys oo ku nool Magaalada Buula-burte (SAWIRRO)


Arbaco, Juun 17, 2015 (HOL) — Degmada Buula-burte oo muddo dheer ka go'doonsaneyd Gobolka Hiiraan intiisa kale ayaa Qoysaska ku dhaqanka Qaarkood waxaa soo food saaray dhibaato dhinaca nolasha ah oo aad u liidata, kaddib markii xoogagga Al-shabaab u diideen in ay gudaha gallaan degmada gadiidka sidda shixnadaha kala duwan iyo gargaarka.

Max'ed Axmed Rooblle oo ka mid ah u dhaq-dhaqaaqayaasha arrimaha bulshada ayaa isaga oo jooga  Buula-burte u sheegay HOL in go'doominta lagu hayo degmada, sababtay in qoysas badan nolasha ka quustaan.

Dhalinyarro ka tirsan jaaliyada dibada ee ka soo jeeda gobolka Hiiraan kuwaasoo ku kala nool dalalka qaaradaha Africa, Yurub iyo Ameerica, ayaa dhaqaalle ay iska soo ururiyeen waxaa ay gaarsiiyeen qoysaska ku dhibaateysan qeybaha ay degmadu ka kooban tahay, inkastoo marka la eego kaalmada la gaarsiiyay tahay mid aan waxba ka tari karin xadiga baahida jirta, laakiin haddana waxaa la oran karaa mid rajo dhiiri-galin u ah dadka dhibaateysan.

“Runtii xaalad adag ayaa ka jirta degmada Buulo-burte, Dadka halkan ku dhaqan waxaad moodaa in idhaha laga laabtay oo ka warqabkoodu aad u yar yahay, laakiin waxaan rabnaa in aan halkan ugu mahad celinno dhalinyarrada soo xasuusatay, inkastoo kaalamadu tahay mid ka yar xadiga baahida degmada ka jirta, haddana waxaad moodaa in dadka ay rajo ku abuuri karto, madaama ay jiraan wali dad ka war qaba oo ka damqanaya xaalada ay ku nool yihiin ayuu yiri'' Max'ed Axmed Rooblle.

 Max'ed Axmed Rooblle ayaa sheegay in kaalamada lacageed ay gaarsiiyeen dadka jilicsan ee mudan in la gargaaro sidda dadka waayeelka ah oo qaarkood xanuunno kala duwan ka cabanaya, iyo waliba qoysas markii horeba xoogood ku nool ahaa, laakiin ku dhax milmay daruufaha nolaleed ee ka jira degmada.

Waxaa uu ku baaqay Rooblle madaama la guda-gallay bishii Radamaan in lasoo Gargaaro dadka ku go'doonsan degmada.

“Waxaa jira dad u istaagay qadiyadan ah in dadka la caawiyo oo haddii aad kaal-madiina ku soo dirtaan gaarsiin doonna dadka u baahan waxaana ka mid ah shaqsiyaadka howshan lagu aaminay Imaamka masjidka Buula-burte Macalin Cali Maclin Axmed, wakiilka shirkada Ammaana ee degmada Buula-burte Cilmi Xuuriye,  Sheekh Max'ed Qoor Lule, Cali Max'ed Jiile (Cali Jeer) iyo  Max'uud Inji ayuu yiri Maxamed Axmed Rooble.

Dhalinyarrada isku howshay inay soo gaarsiiyaan deeqda lacageed dadka ku dhibaagteysan degmada, ayuu sheegay in ay ka mid yihiin, Muuse Cilmi Duqoow, Axmed Nuur Ibraahim Macoow, Abuukar Faarax Fiidoow, C/risaaq Diiriye Muumin.

Degmada Buula-burte oo horaantii sanadkii hore lagala wareegay Al-shabaab, ayaa xiligan waxaan ka jirin dhamaanba waxyaabihii aas-aaska u ahaa nolasha, gaar ahaan dadka ayaa siweyn uga cabanaya adeega caafimaad ee degmada oo ah mid aad u liita.

Ugu dambeyn, Kaalmadaan ayaa waxaa ka Faa’ideystay illaa 270 Qoys oo Maalintaas ka dhigtay waxay Quutaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya