4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 17, 2015
RW SHARMA'ARKE: Waxaan Rajeynayaa in Ahlusunna ay Ku Biirto Maamulka Gobollada Dhexe


Arbaco, Juun 17, 2015 (HOL) — Ra’iisul Wasaaraha Somalia; Cumar C/rashiid ayaa rajo ka muujiyay in ururka Ahlusunna Wal-jameeca ay ku biirraan Maamulka loo Sameynayo Gobollada Dhexe ee Somalia, isagoo intaas ku daray in Wadahadalada ka socda Dhuusa-mareeb ay meel wanaagsan marayaan.

Sharma’arke oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa Wareysi uu siiyay VOA-da wuxuu ku sheegay in iyaga iyo Ahlusunna aanay ka dhexeyn wax cadaawad ah, balse ay meel qura u wada-jeedaan, balse ay wax ka dhex-dhici karaan.

RW Cumar oo ka hadlay wadahadallada Dhuuso-mareeb uga socda dowladda dhexe iyo Ahlusunna Waljamaaca ayaa in Wasiirka Arrimaha Gudaha uu ku sugan yahay halkaas, isla markaana ay rajo ka qabaan in guul ku dhamaadaan wadahadallada ka socda Dhuuso-mareeb.

“Wadahadalka ka socda Dhuuso-mareeb, waxaa ku rajo weynahay inay si guul ah ku dhammaadaan, ASWJ-na ay qayb ka noqdaan maamulka Gobollada Dhexe loo sameynayo, maadaama ay Dowladda dhexe ka mid yihiin. Waxaa dooneynaa in xoogagga Ahlusunna ay dib uga gurtaan magaalada Dhuuso-mareeb, Maadaama lagu wado inay noqoto caasimadda Gobollada Dhexe,” ayuu yiri Sharma’arke.

Cumar C/rashiid ayaa intaas ku daray inay socdaal dadaalo ku aadan siii meelaha ay gacanta ku hayaan Al-shabaab laga saari lahaa, isagoo xusay inay rajeynayaan in inta uusan sannadkan dhammaan laga taqaluso Al-shabaab, deegaannada ay gacanta ku hayaanna looga saaro, looguna diyaariyo in doorashooyin ka dhacaan sannadka 2016-ka.

Ugu dambeyn, RW Soomaaliya ayaa Shaaciyay in Dhaqaalihii ay ka filayeen dalalka deeq-bixiyeyaasha ah aanay weli soo gaarin, taasina ay sababu noqotay in mushaaraadkii la siin lahaa shaqaalaha dowladda iyo ciidamada uu dib u dhac ku yimaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya