4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 17, 2015
Hay’ada Samafalka Amoud Foundation oo Bacaha roobka laga galo u qaybisay Barakacayaan (SAWIRRO)


Arbaco, Juun 17, 2015 (HOL) — Hay’adda Amoud Foundation oo fadhigeedu yahay dalka Mareykanka ayaa qoysaska barakacayaasha ah ee ku sugan Muqdisho ugu qaybisay bacaha roobabka laga galo Salaasadii shalay ahayd, iyadoo deeqdan ay kusoo Beegmayso xilli ay Muqdisho ka da’ayaan roobabka Xagaaga Sannadkan.

Qoysaska Bacahan ka faa’iideystay ayaa waxay tiradoodu ahayd 1,500 oo Qoys oo ku nool Kaam lagu Magacaabo Sama-wade, waxaana deeqdan ay ka timid bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Phoenix, Arizona iyo Masjidka Darul Huda oo ku yaalla Hurst. Texas.

Deeqdan ayaa waxaa Qoysaskan ah ugu qaybiyay Muqdisho wakiilka Amoud Foundation, C/xakiin Sheekh Mukhtaar, isagoo hadal uu ka jeediyay goobta lagu bixinyay kaalmadaan, wuxuuna ku sheegay in kaalmadan aysan ahayn tii ugu horreysay ay oo ay bixiso Amoud Foundation, balse jiraan kuwo kale oo ay horay u bixisay.

“Hay’adda Amoud Foundation, ma ahan markii ugu horreysay oo ay deeq noocan oo kale ah ka bixiso Muqdisho, Bilihii Ramaaana ee lasoo dhaafay sidan oo kale ayay Deeqo uga bixin jirtay meelaha ay ku nool yihiin Barakacayaasha, waxaana sidoo kale ay kaamamka ka qaybisaa Raashin inta lagu jiro Ramadaanka,” ayuu yiri C/xakiin Mukhtaar.

Sidoo kale, Wakiilka ayaa Sheegay in Sannadkan ay Hay’adda u Qorsheysan tahay in ay bixiso raashin iyo deeqo kale oo kala duwan, maadaama la galayo Ramadaanka oo dalka oo dhan laga sooman yahay.

Dhanka kale, Qoysaskii loo qaybiyay Bacaha roobka laga hoos-galo ayaa iyaguna ka halay dareenkooda, waxayna sheegeen in qaybinta bacahan ay kusoo aadayso xilli ay baahi weyn u qabeen.

Ugu dambeyn, hay'adda Amoud Foundation ayaa ka mid ah hay'adaha Taageera Dugsiga Indhoolayaashiu ay wax ku bartaan ee Al-Basiir ee Magaalada Muqdisho, kaasoo ay wax ku bartaan arday badan oo Indhoolayaal ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya