4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 16, 2015
Xildhibaano ugu baaqay Madaxweynaha Somalia in uu TIX-GELIYO Rabitaanka Bulshada Hiiraan

Talaado, Juun 16, 2015 (HOL) —  Sideed xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Somalia ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud inuu Tix-geliyo rabitaanka siyaasiyiinta iyo bulsho-weynta ku dhaqan gobolka Hiiraan.

Xildhibaanadan ayaa xusay in marar badan ay Madaxweyne Xasan kala Hadleen Qadiyada Federaaliisim-ka iyo dhismaha Maamul Gobolleedyada Dalka iyo Doorka uu yeellan Karo Gobolka Hiraan, Madaama inta badan Bulshada ku nool gobolka iyo Siyaasiyiintoodu isku raacsan yihiin in Gobolka Hiiraan si madax-bannaan u Hoostago dowladda dhexe iyadoo la cuskanayo qodobka 48aad (2) iyo qodobka 49 (3) (6) ee Dastuurka Soomaaliya.

Baaqa Xildhibaannada ayaa kusoo beegamaya xilli magaalada Beledweyne uu ka soconayo Shirweynaha Dib-u-hishiisiinta iyo Aayo-ka-talinta Gobolka Hiiraan.

AKHRISO: BAAQA AY XILDHIBAANADU U DIREEN MADAXWEYNAHA;

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya