Talaado, Juun 16, 2015 (HOL) — Sideed xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Somalia ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud inuu Tix-geliyo rabitaanka siyaasiyiinta iyo bulsho-weynta ku dhaqan gobolka Hiiraan.
Xildhibaanadan ayaa xusay in marar badan ay Madaxweyne Xasan kala Hadleen Qadiyada Federaaliisim-ka iyo dhismaha Maamul Gobolleedyada Dalka iyo Doorka uu yeellan Karo Gobolka Hiraan, Madaama inta badan Bulshada ku nool gobolka iyo Siyaasiyiintoodu isku raacsan yihiin in Gobolka Hiiraan si madax-bannaan u Hoostago dowladda dhexe iyadoo la cuskanayo qodobka 48aad (2) iyo qodobka 49 (3) (6) ee Dastuurka Soomaaliya.
Baaqa Xildhibaannada ayaa kusoo beegamaya xilli magaalada Beledweyne uu ka soconayo Shirweynaha Dib-u-hishiisiinta iyo Aayo-ka-talinta Gobolka Hiiraan.
AKHRISO: BAAQA AY XILDHIBAANADU U DIREEN MADAXWEYNAHA;
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online[email protected]Beledweyne, Soomaaliya