4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 16, 2015
Dugsi ay Baydhabo ka Hirgelisay Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo Xarigga laga jaray


Talaado, Juun 16, 2015 (HOL) — Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa ka dhistay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay Iskuul cusub oo hoose/dhexe ah oo Al-Ain lagu magacaabo, kaasoo maanta xarigga laga jaray.

Xafladda Furitaanka dugsigan waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Waxbarashada Koonfur-galbeed Somalia, Saadaam Maxamed Nuur Caliyow, kaasoo si rasmi ah u furay iskuulkan, waxuuna goobta ka jeediyay khudbad uu uga hadlay qiimaha uu dugsigan leeyahay, isagoo u mahad-celiyay xukuumadda Imaaraadka Carabta oo dugsigan dhistay.

Sidoo kale, guddoomiyaha cusub ee gobalka Bay, Rashiid C/llaahi ayaa ka hadlay baahida loo qabo aqoonta iyo in la dardar-geliyo waxbarashada gobalka Bay, isagoo intaas ku daray in loo baahan yahay in laga shaqeysiiyo iskuulka ee quruxdiisa oo keliya aan la eegan.

Waxaa kaloo xafladda furitaanka Iskuulkan ka hadlay Guddoomiyaha Degmada Baydhabo, C/llaahi Mad-Watiin iyo Cumar Shariif oo ku Hadlayay magaca Xukuumadda Imaaraadka Carabta, waxayna labaduba ka hadleen qiimaha waxbarashadu ay u bulshada oo dhan.

r. Fowz Cabdi Nuur oo ka mid ahaa Aqoonyahannada Koonfurta Soomaaliya oo xafladda ka hadlay ayaa bogaadiyay Waxqabadka Dowladda Imaaraadka iyo dhismaha Iskuulkaan Waxbarasho oo ah labo qaybood oo baaxad weyn ah, kuwaasoo loogu talo-galay inay wax ku bartaan Wiilasha iyo Gabdhaha Gobollada Koonfurta Somalia.

Ugu dambeyn, Dugsigan ayaa noqonaya midkii ugu horeeyey oo ay Imaaraadku ka dhisaan Gobolka Bay, isagoo sidoo kale ah Iskuulkan lagu dhiganayo lacag la’aan sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Waxbarashada Dugsiga Hoose/Dhexe ee Al-Ain.

Hiiraan Online, Baydhabo