4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 16, 2015
Madaxweynaha Puntland oo Isku shaan-dheeyay Golihiisa Wasiirrada (AKHRISO MAGACYADA)


Talaado, Juun 16, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa caawa si rasmi ah isku –shaandhayn ugu sameeyay qaar kamid ah golihiisa wasiirada, waxaana xilalkoodi waayay xubno si aad  ah uga dhowa madaxweynaha oo uu ka mid yahay wasiirkii waxbarashada  iyo tacllinta sare Cali Xaaji Warsame.

Isku-shaandhayntan oo baryihii la soo dhaafay si aad ah looga hadal-hayay gudaha Puntland ayaa lagu dhawaaqay salaaddii maqrib ka dib ,iyadoo dhamaan loo yeeray qaybaha warbaahitan ee ka howl-gasha magaalada Garoowe.

Afhayeenka madaxtooyada Puntland Cabdulaahi Maxamed Jaamac (Quraan Jecel) ayaa warbaahinta ka hor akhriyay liiska golaha wasiirada Puntland oo isku-shaandhayn lagu sameeyay ,iyadoo qaarna ay xilalkoodi waayeen.

LIISKA MAGACYADA GOLAHA WASIIRRADA EE LAGU DHAWAAQAY;

1-Wasiirka Caafimaadka, Cabdinaasir Cismaan Ciise.
2-Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah, Shire Xaaji Faarax.
3-Wasiirka Amniga, Cabdi Xirsi Cali Qarjab.
4-Wasiirka Haweenka, Aniso Cabdiqaadir Xaaji Muumin.
5-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Axmed Cilmi Cismaan Karaash.
6-Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka, Cabdirashiid Maxamed Xirsi
7-Duulista Hawada, Xasan Xaaji Siciid.
8-Wasiirka Beerahaha iyo Waraabka, Cabdullaahi Cali Xirsi.
9-Wasiirka Caafimaadka, Cabdinaasir Cismaan Ciise
10-Wasiirka Deegaanka, Cali Cabdullaahi Warsame
11-Wasiirka Qorsheynta, Shire Xaaji Faarax.
12-Wasiirka Xannaanada Xoolaha, Cabdi Cismaan Maxamed.
13-Wasiirka Dastuurka, Feysal Cabdi Cali Gaas.
14-Wasiirka Maaliyadda, Cabdullaahi Sheekh Axmed.
15-Wasiirka Warfaafinta, Maxamuud Xasan Soo-cade.
16-Wasiirka Waxbarashada, Abshir Aw-Yuusuf Ciise.
17-Wasiirka Cadaaladda, Saalax Xabiib Xaaji Jaamac
18-Wasiirka Kalluumaysiga, Cabdinuur Cilmi Maxamuud
19-Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha, Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle.
20-Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Cabdullaahi Jaamac Saalax.

Ugu danbayn, wasiirada kale ee muhiimka ee iyagana xilalkooda waayay waxaa kamid ah wasiirkii hore ee caafimaadka Puntland Saadaq Eenow ,waxaana tani ay soo gaba-gabaysay dhowr maalin oo la sugayay isku-shaandhaynta golaha wasiirada.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]