4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 16, 2015
SAWIRRO: Hay’adda HORMUUD Foundation oo Kaalmo Gaarsiisay Maxaabiista Xabsiga Dhexe


Talaado, Juun 16, 2015 (HOL) — Hay’adda Samafalka Hormuud Foundation ayaa maanta deeq gaarsiisay Maxaabiista ku jirta Xabsiga Dhexe ee Muqdisho taasoo ay ay ugu talo-gashay in Bisha Barakeysan ee Ramadaan lagu Quudiyo Maxaabiista; waxaana wareejinta deeqdan oo ka koobnayd noocyada kala duwan ee raashinka la quuto ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Ku-simaha RW Somalia iyo xubnaha kale ee dowladda ka tirsan, iyadoo lagu wareejiyay taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya, Jen. Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe).

Deeqdan ayaa waxaa ay ka mid ahaayeen bur, bariis, sokor, saliid iyo xoolo nool oo loogu talo-galay in loo Gowraco Maxaabiista inta lagu jiro Ramadaanka, iyadoo uu ka bixiyay faahfaahin deeqdaan Maamulaha Hay’adda Hormuud Foundation, Muuse Axmed Nuur.

“Haddaan idiin sheego deeqdan meesha taalla waa 300 oo loor oo bariis ah, 300 oo loor oo Sonkor ah, 100 loor oo Bur ah, 4400 oo kiilo oo Timir ah, 100 Gasac oo ah Cabitaan, 1,000 Liitar oo Saliid ah, 150 kg oo Caleen ah, 1200 oo jog oo dhar ah oo isugu jira Macawisyo iyo Funaanado iyo 20 nooc oo dharka haweenka ah,” ayuu yiri Muuse.

Sidoo kale taliyaha ciidamada Asluubta Somalia, Jen. Bashiir Goobbe ayaa isna wuxuu uga mahad-celiyay Hay’adda Hormuud Foundation deeqda ay ugu talo-gashay in lagu quudiyo Maxaabiista xabiga ku jira inta lagu jiro bisha Ramadaan, isagoo ka ballan-qaaday goobta in dadka loogu talo-galay la gaarsiin doono.

“Waan u mahad-celineynaa Hay’adda Samafalka Hormuud Foundation, waana ka aqbalnay hadiyaddii ay walaalaheenna ka mid ah dadka ugu tabarta-daran ay ku caawiyeen, maxaa yeelay dadka xoriyaddoodii laga qaaday wax ka tabar-darani ma jiro,” ayuu yiri Jen. Bashiir Goobbe.

Dhanka kale, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Dr. Axmed Cali Daahir ayaa wuxuu ku bogaaadiyay Hay’adda Hormuud Foundation iyo cid kasta oo dooneysa inay dan-yarta caawiso inay sii wadaan oo Alle dartiis ay u bixiyaan sadaqada.

“Waxaad fulinaysaan Watacaawanuu Calal Birri - Wa Taqwaa - Walaa Tucaawanuu Calal Ithmi Wal Cudwaan. Kheyrka iyo Wanaagga in la isugu kaalmeeyo waxaana si dhab ah u caddeynaya Xaddiiskii Rasuulkeenna NNKH oo ahaa - Manlaa yaxyam laa Yurxam - Irxamuu man fil Arli Yarxamukum man fi Samaa - marka kheyrka noocan oo kale ah runtii aad buu u badan yahay Ajarkiisana  Alle ha idin siiyo,” ayuu yiri Dr. Axmed.

Ugu dambeyn, Ku-simaha RW Somalia ahna Wasiirka cadaalada Somalia, C/llaahi Axmed Jaamac oo ka hadlay goobta ayaa mahadcelin kaddib ugu baaqay Hormuud Foundation iyo Hay’adaha kaleba in ay Caawiyaan dadka dan-yarta ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya