4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 16, 2015
XASAN SHIIKH oo la kulmay Somalida Koonfur Afrika ku nool kuna soo laabtay Muqdisho (SAWIRRO)


Talaado, Juun 16, 2015 (HOL) — Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdigii uu Hoggaaminayay oo Waddanka Koonfur Afrika kaga Qaybgalay shirkii 25-aad ee Midowga Afrika ayaa xalay la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Koonfur Afrika ku dhaqan, kuwaasoo in badan sugayay kulanka madaxweynaha una sheegtaan danahooda gaarka ah iyo wax uga Qabashadooda dhibaatooyinka kasoo gaara shacabka Koonfur Afrikaanka ah, isagoo gellinkii dambe ee maanta dib ug soo laabtay Muqdisho.

Xasan Sheekh oo ay wehliyeen agaasimaha shaqaalaha madaxtooyada Somalia, Sii-hayaha Danjiraha Soomaaliya ee Koonfur Afrika iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia ayaa kulanka ku dhageystay Hadallo kala duwan oo ay soo jeediyeen qaar ka mid ah ganacsatadii, aqoonyahankii, culumadii, haweenkii iyo dhallinyaradii kasoo Qayb-galay kulankaan oo ka dhacday Galagher State Hall oo ku yaalla Magaalada Johannesburg.

Sii-hayaha Safiirka Somalia ee Koonfur Afrika, Maxamed Cali Mire oo Warbixin kooban ka siiyay madaxweynaha iyo wafdigiisa xaalada Soomaalida Koonfur Afrika ku nool ayaa kusoo dhaweeyay madaxweynaha inuu jeediyo hadalkii uu ugu talo-galay Shacabkiisa ku dhaqan Koonfur Afrika uu ujeediyo.

Intaa kaddib, Madaxweyne Xasan oo u mahadceliyay intii soo abaabushay kulanka iyo intii kale ee kasoo qeybgashay ayaa warbixin ka siiyay xaalada Horumarineed iyo tan ammaan ee Soomaaliya ka jirto, maamlulada KMG ah ee haatan dalka ka jira oo uu ku sheegay inay yihiin billowga barashada dowladnimada, isagoo intaa ku daray in dowladdiisu ay dhaqan-gelinayso doorasho cod-bixin ah ee sannadka 2016-ka haba-yaraatee.

"Haddii aan awoodi weyno inaan Soomaaliya oo dhan ka hirgelin min qof iyo cod; waxaan ku Dadaalaynaa inaan ka Gudubno 135 Oday oo Baarlamaankeenna uu ku dhisan yahay oo aan u gudubno inaan cod u qaadno kun illaa hal malyan oo is-diiwaan-galisay," ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Xasan Sheikh oo la Hadlayay Jaaliyaddii uu la kulmay ayaa u sheegay in ay ka qayb-qaataan gar-gaar u fidinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee kasoo laabanaya dalka Yemen, isagoo sheegay Qoxootiga Soomaaliyeed ee Yemen ku xayiran ay ka badan yihiin 200,000 oo qof, Dowladda Soomaaliyana aysan wada kafaala qaadi karin.

Madaxweyne Xasan ayaa dhanka kale sheegay inaysan jirin cilaaqaad-xumo kala dhaxeyso Koonfur Afrika, balse cilaaqaadkoodu uu aad u wanaagsan yahay ayna rajeenayaan inay sii xoojiyaan cilaaqaadka labada wadanka ka dhexeeya, kala hadleen dhibaateynta lagu haayo Jaaliyadda Soomaaliya ka joogto Koonfur Afrika.

Ugu  dambeyn, kulanka loogu soo dhaweynayay madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa lagu soo bandhigay cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka oo ay soo Bandhigeen Golaha Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika, ka Qayb-galayaashuna ay soo xirteen dhar muujinaya dhaqanka iyo Waddaniyada Soomaaliyeed ayaa kusoo idlaaday jawi farxadeed.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Somalia ayaa dib ugu soo laabtay gellinkii dambe ee Maanta oo Talaado ah, kaddib markii uu dhamaaday shirkii Midowga Afrika oo Sanadkan lagu qbatay dalka Koonfur Afrika.

Mahad Maxamed Sheikh (Istiila)
E-mail:
[email protected]
Johannesburg, South Africa