4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 16, 2015
Dilkii Toogasho ee lagu Xukumay Madaxweynihii hore ee Masar oo ay Makxamadi Maanta Ayiday


Talaado, Juun 16, 2015 (HOL) — Maxkamad ku taalla dalka Masar ayaa Maanta ogolaatay xukunkii dil ahaa ee horay loogu riday madaxweynihii hore ee Masar, Maxamed Mursi oo loo haysto xabsi ay dad badan ka baxsadeen 2011-kii.

 Mursi ayaa bishii lasoo dhaafay lagu xukumay isaga iyo boqollaal kale oo ka tirsan ururka Islaamiga ah ee Akhwaanul Muslimiinka dalka Masar, kuwaasoo horay ay xukuumada mil-lateriga ah ee dalkaas ka mamnuucday Masar.

Sidoo kale, Maxkamadan ayaa xukunka Mursi u cuskatay dacwado kale oo ay ku jirto inuu u Jaajuusay Kooxo Ajanabi ah oo uu Ururka ka Dagaallama waddanka Falastiin ee Xamas.

Tan iyo sannadkii 2013-kii markii Awoodda Masar laga tuuray Mursi oo ahaa ruuxii ugu horreeyay oo dadka Masar ay u doorteen madaxweyne ayaa dacwo badan lagu soo oogay, iyadoo amarka dacwadahan uu bixiyay Jen. C/fataax Al-siisi oo hadda ah madaxweynaha Masar, kaasoo ahaa mas’uulkii xilka ka tuuray Mursi.

Hoggaamiyaha Akhwaanul Muslimiin, Maxamed Badiici iyo  Mas'uuliyiin kale ayaa iyana maxkamadu ay maanta ku xukuntay xabsi daai’n, waxaana ku jira Sh. Yuusuf Al-Qardaawi oo ku maqan dalka Qatar.

Ugu dambeyn, maxkamada ayaa sheegtay in Xukunnadaan Racfaan laga Qaadan karo mar walba oo loo baahdo, iyadoo Mursi dib loogu celiyay Xabsigii uu ku jiray xilliyadii lasoo dhaafay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya