4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 16, 2015
Qaar ka mid ah saraakiishii loo xiray qaraxii Hotel SYL oo dambigii loo Haystay lagu Waayay


Talaado, Juun 16, 2015 (HOL) — Maxkamadda Darajada Koobad Ciidanka Qalabka Sida ee Somalia ayaa u fariisatay dacwad loo haystay saraakiil ka tirsan Ciidamada booliska iyo nabad-sugidda Soomaaliya, 15-kii bishan kuwaasoo Muddooyinkaan ku xirnaa xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho.

Saraakiishan ayaa lagu eedeeyay inay wax ka ogaayeen Weerar Is-miidaamin ahaa oo 22-kii bishii Janaayo ee sannadkan lala beegsaday hotel SYL oo ku dhow madaxtooyada DF Somalia, kaasoo mas’uuliyadiisa ay sheegatay Al-shabaab.

Saraakiisha eedeyntaan loo xiray oo ahaa 12-sakraal ayaa Waxaa Qaarkood Horay looga sii daayay Xabsiga, kaddib baaritaanno lagu sameeyay, waxaase maxkamadu waxay sheegtay inay dambigii loo haystay lagu waayay afar sakraal oo kala ah;

1. Taliyihii hore ee Booliiska Degmada Hodan, G/dhexe Maxamed Daahir Cabdule,
2. L/Xiddigle, Mahad Cabdi Cumar
3. Xasan Daahir Maxamed
4. Kormeere Saddexaad, Axmed Qadar Maxamed Xasan

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute oo Warbaahinta u akhriyay xukunka ayaa sheegay in saraakiisha kor lagu soo xusay lagu waayay dambiyadii lagu soo eedeeyay.

Dhanka kale, Maxkamadda ayaa dil toogasho ku xukuntay labo askari oo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, kuwaasoo la sheegay inay horay u geysteen dilal.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya