4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 16, 2015
Kenya oo sheegtay inay ciidankeeda heegan gelisay si ay uga hor-tagto Weerarrada Al-shabaab

Talaado, Juun 16, 2015 (HOL) — Taliyaha Ciidamada Booliiska Kenya ayaa sheegay in sare loo qaaday ammaanka dalka Kenya, kaddib weerar ay ku qaadeen xoogag ka tirsan Al-shabab iyo Ciidamada Kenya kudhaxmaray meel u dhow saldhig ciidan oo ku yaalla deegaanka Lamu Axada lasoo dhaafay.

Joseph Boinett ayaa xusay inuu jirto qorsho Al-shabaab ay ku doonayaa in weerar ay kusoo qaadaan goobaha waxbarasho , xarumaha dowladda ee magaalooyinka Nairobi, Mombasa iyo Gobolka Waqooyi-bari ee Kenya, balse wuxuu ballan-qaaday in ciidamada amnigu ay fashilin doonaan isku-day walba oo ay Al-shabaab kusoo weerarayso Kenya.

Dowladda Kenya ayaa aaminsan inay mudan tahay inay sare u qaaddo Amaanka dalkeeda inta lagu gudaha jiro bisha baarakeysan ee Ramadaan oo ay Al-shabaab wacad ku martay inay kordhin doonto weerarada ay ka geysanayso dalka Kenya.

Taliye Boinett ayaa ku boorriyay Muslimiinta Kenya inay Waajibka bisha Barakaysan ee Ramadaan ku gudan doonaan si nabad ah, ayna booliisku kor kala socon doonaan kuwa doonaya inay falal amniga kasoo horjeeda ka geystaan dalka Kenya gudihiisa.

Hadalka Taliyaha Booliiska dalka Kenya ayaa imaanaya xilli Al-shabaab ay weerar ay ku qaadeen Lamu looga dilay 11 dagaalyahan oo ay ku jireen laba ruux oo Ajaabin ah oo mid ka mid ah la sheegay inuu u dhashay dalka Britain.

Al-shabab oo Soomaaliya ka dagalaanta ayaa khatar weyn ku noqotay Ammaanka dalka Kenya, iyadoo beegsata goobaha dalxiiska, xarumaha ganacsiga, goobaha wax lagu barto iyo sidoo kale saldhigyada ciidamada dalkaas oo ay kumannaan ka mid ah askartooda ku sugan yihiin  Somalia.

Bishii Abriil ayay Al-shabab weerartay Jaamacadda Gaarisa halkaasoo ay ku dishay 148 qof, sidoo kale dhammaadkii sannadkii 2013-kii ay xoogag Al-shabaaab ka mid ah ayaa weerar Suuqa Ganacsi Nairobi ee Westgate Mall oo ay ku dileen 67-qof.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya