4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 16, 2015
Siilaanyo oo ka Qayb-galay Xuskii Labaad ee Aas-aaska Idaacada Quraanka Kariimka (SAWIRRO)


Talaado, Juun 16, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilanyo ayaa ka soo qaybgallay munaasibad loo sameeyey sanad guuraddii 2aad ka soo wareegtay Aasaaskii Idaacadda Quraanka Kariimka oo laga Dhagaysto Magaalooyinka Waaweyn ee Somaliland iyo dhamaystirka Tafsiirka quraanka oo maanta la soo gabogabeeyey.

Idaacaddan Quraanka kariimka ah ayaa ah mid FM ah, isla markaaana afar iyo labaatanka saacadood laga  dhagaysto magaalooyinka waaweyn ee Somliland sida Hargeysa, Boorama, Ceerigaabo, Berbera, Burco iyo Laascaanood.

Sidoo kale, waxa munaasibadda lagu soo gabogabeeyey Tafsiirka quraanka ah oo loo sameeyey munaasibad lagu  weynaynayo Tafsiirka quraanka oo muddo ka socday idaacadda, iyadoo mar kasta oo la soo gabogabeeyo tafsiirka Quraanka xaflad lagu soo xidho loo sameeyo si dadku ula socdaan in casharo cusubi dib u bilaabmi doonno.

Munaasibadan iskugu jiray sanad guuraddii 2aad ee aasaaska idaacada Quraanka kariimka ah iyo Dhamaystirka Tafsiirka quraanka ayaa lagu qabtay wasaaradda warfaafinta iyo dhaqanka, waxaana ka soo qaybgallay Culimada waaweyn ee dalka, raxan wasiiro ah, Xildhibaano, Cuqaal, iyo qaybo kala duwan ee bulshadda.

Madaxa idaacadda Quraanka Kariimka Maxamed Shabeel ayaa ka warbixiyey mudaddii ay idaacaddu shaqaynaysay, waxaanu u mahad naqday cid kasta oo wax la qabatay idaacaddaasi.

“horumarka ugu weyn ee ka culimo ahaan qiraynaa markhaati ka yihiin uu yahay idaacadda quraanka kariimka ah ee madaxweyn dalka ood hank a hirgaliyey aakhirana uu ku faani doono oo uu odhan doono dadkayga oo dhan ayaan gaadhsiiyey qur’aanka kariimka ah, iyada oo ay jiraan waxqabad badan oo aan la dafiri Karin balse anaga ka culimo ahaan tanaa noogu weyn”ayuu yidhi sheikh Maxamed Aadan oo ku hadlayey afka culimada Somaliland.

Wasiirka warfaafinta Cabdilaahi Cukuse ayaa isna ku dheeraaday qiimaha idaacadda qur’aanka kariimka, isaga oo xusay ugu yaraan 20 wadaad oo ka shaqeeya Radio Hargeysa, Tv-ga Qaranka iyo idaacadda quraanka kariimka ah ummaddana u gudbiya wanaaga ay leedahay diinteena suubani.

Waxa soo xidhay madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxaanu u mahadnaqay masuuliyiinta warfaafinta ee ka midho dhaliyey sanad guuradii labaad oo xidhiidha in dalku yeesho idaacad quraan kariim ah oo toos loogala socdo guud ahaan dalka, waxaanu shahaado sharaf gudoonsiiyey wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta   Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse iyo wasiirka diinta iyo Aw Qaafta Sheekh KHaliil Cabdilaahi.

Si kastaba ha ahaatee, idaacadda quraanka Kariimka ayaa ku lamaan Radio Hargeysa, waxaana labadda idaacadoodba wada maamula wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta, waxaana idaacadda quraanka kaliya laga dhagaysta quraanka kariimka ah iyo muxaadarooyinka diiniya.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]      
Hargeysa, Somaliland