4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 16, 2015
Askar ka tirsan Ciidanka Dowladda oo lagu dilay Qarax ka dhacay Duleedka Magaalada Muqdisho

Talaado, Juun 16, 2015 (HOL) — Ugu yaraan Sadex Askari oo ciidanka dowladda Somalia ka tirsan ayaa ku dhintay Qarax lagula eegtay gaari ay wateen deegaanka Xaawo Cabdi oo Muqdisho dhinaca galbeed kaga beegan qiyaastii 17-km.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu ahaa miino wadada dhinaceeda lagu aasay sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Somalia oo la hadlay qaar ka mid ah Warbaahinta gudaha iyo kuwa dibadda.

“Gaari ay wateen ciidamada dowladda Somalia ayaa qarax lagula eegtay deegaan 17-km u jira Muqdisho, waxaaan ku geeriyooday saddex askari oo ka mid ahaa kuwii saarnaa gaariga ciidan,” ayuu yiri Cap. Faarax Cumar oo la hadlay Reuters.

Weerarkan ayaa Waxaa Mas’uuliyaddiisa durba Sheegatay Xarakada Al-shabaab; iyadoo aysan jirin weli cid ay hay’adaha Ammaanka Dowladdu u qabteen weerarka lagu dilay askarta ka tirsan ciidamada dowladda Somalia.

Al-shabaab ayaa tan iyo markii ay ka baxday Muqdisho waday weerarro kala duwan oo ay la beegsanayeen xubnaha dowladda federaalka Somalia iyo ciidamada, iyadoo weerarkan uu kusoo beegmayo xilli ay maalmaha soo socda bilanayso bisha Ramadaan oo Al-shabaab looga bartay inay weerarkooda kordhiyaan bishaan oo kale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya