4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 16, 2015
WIIL Soomaaliyeed oo ku Guuleystay Tartankii Qur’aan Akhriska Gobollada Mareykanka (SAWIRRO)


Talaado, Juun 16, 2015 (HOL) — Axmed Aadan oo u Tar-tamayay Gobolka Tennessee ee dalka Mareykanka ayaa kaalinta 1-aad ka galay tartankii Qur’aan Akhriska ee Sannadkaan 2015, waxaana ku tartamay ardayda xifdisan Qur’aanka,  kaasoo maalmihii la soo dhaafay ka socday Masaajidka Soomaalida ee Karmel ee Magaaladda Minneapolis.

Tartankan oo ay garsooreyaal ka ahaayeen Sheekh Waliid Al-maneese, Sheekh  Xasan Saalix, Sheekh Maxamed Jabriil iyo Sheekh Maxamuud oo dhammaantood ka tirsan culimada waaweyne ee Islaamka ayaa waxaa ka soo qeyb galay 97 arday, kuwaas oo ku kala tartamay 30-juz, 15, 5 iyo 1-Juz.

Mashaa’ikhdan ayaa sheegay inay kala saariwaayeen labada tartame oo kala ahaa Axmed Aaden iyo Adeen Raheem oo matalayay gobolka New York, hase ahaatee ay go’aansadeen in la isku lammaaniyo guushooda,  ayna qaataan abaalmarin isku mid ah, laakiin Axmed uu noqdo ardayga 1-aad ee 2015.

Labadan xaafid ayaa la guddoonsiiyay 4,500 qofkiiba, waxaana sidoo kale loo ballan qaaday in iyaga, waalidoontood iyo macaalimiintii Qur’aanka bartay loo qaadi doono Xajka sanadkan.

Kaalinta 3-aad, waxaa ku guuleystay Maxamed Cariif oo u tartamay gobolka California, kaalinta 4-aad Xamza Elxabashi oo ka socday gobolka Maryland iyo kaalinta 5-aad Caa’isha Warsame oo u tartameysay gobolka Minnesota.

15-ka Juz waxaa kaalinta 1-aad galay Maxamed Axmed, kaalinta 2-aad Fahimo Max'uud  iyo Suhur Jaamac oo kalinta 3-aad gashay, waxayna ku guuleysteen abaalmarino lacageed, kaddib markii ay soo bandhigeen xirfadooda qur’aan akhris.

Rowdo Khaasim waxay ku guuleysatay 5-ta Juz, kaalinta 2-aad waxaa soo gashay Raxmo Khaasim, halka 3-aad uu ku guuleystay C/llaahi Axmed.

Juzka 1-aad ee Camma’ waxaa ku tartamay dhowr arday oo da’dodu aad u yareyd, laakiin aad u qiro macaanaa, kuwaas oo culimadu ugu duceeyeen inay ku soo bar-baaraan xifdinta Qur’aanka Kariimka ah.

Ardaydii ka socotay Gobolka Tennessee ayaa aad uga dhex mooqatay tartankan oo hadda kaddib noqon doona mid sanadle ah.

Tartankan waxaa maal galiyay Masaajidka Karmel oo kaashanaya hey’adda Camuud Foundation, waxaana fududeysay hey’adda caalamiga ah ee tartanka Qur’aanka ee Imaam Al-shaatibi.

Waxaa la filayaa in sanadka soo socda ay ka soo qeyb galaan gobollo iyo dugsiyo qur’aan oo aan sanadkan fursad u helin.

Faarax Blue, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota