4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 16, 2015
Xarumaha Caafimaad ee Gaarka loo leeyahay oo ku soo Kordhaya Magaalada Beledweyne (SAWIRRO)


Talaado, Juun 16, 2015 (HOL) — Iyadoo aad moodo in xaddiga baahida caafimaad ee ka jirta guud ahaan gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Beledweyne tahay mid ka badan in uu daboolo isbitaalka guud ee magaalada, ayaa dhinaca kale waxaa bilihii ugu danbeeyay sii kordhayay xarumaha caafimaad ee gaarka loo leeyahay ee laga hergalinayo qeybaha kala duwan ee magaaladu ka kooban tahay.

Dr. C/xakiin Max'ed Cabdi [ Dr Majiiste] oo ka mid ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee sidda weyn looga garanayo dalka gudihiisa ayaa ka mid ah dhaqaatiirta ka her-galisay magaalada xarumo caafimaad loo lagu daweeyo dadka qaba xanuunada kala duwan.

Gaar ahaan xarunta uu ku leeyahay magaalada ee Al-Riyaan Hospital adeegyo caafimaad ka hella haweenka iyo caruurta oo si gaar ah uu dhaqatarku ugu taqasusay, iyadoo intaa ay dheertay in laga heli karo dhamaan qalabkii loo bahnaa in lagu ogaado xanuunada kala duwan ee bukaanka.

“Markii aan ogaaday in baahi dhinaca caafimaadka ah ka jirto magaalada, gaar ahaan haweenka iyo caruurta oo ka mid ah dadka jilicsan ee aan awoodin in ay deegaanno kale u safraan, waxaan goostay in aan xarunta ka her-galiyo magaalada si dadku uga faa'ideystaan, iyaga oo ka heli kara dhamaan wixii qalab ah oo ay u baahnaayeen marka ay timaado dhinaca baaritaanka xanuunada ay cabanayaan bukaanada kala duwan ee noo yimaada ayuu yiri'' Dr Majiiste.

Marka laga soo tago in xarumahan ku soo kordhay magaalada bixiyaan adeegyo bixiyaan adeegyo caafimaad, dhinaca kale waxaa ay fursad shaqo abuur ah u noqoto dhalinyarro faro badan oo markii hore aan wax shaqo heysan.

''Dhalinyarro kala duwan oo wiil iyo gabdho intaba leh ayaa ka howl-galla xarunta caafimaad, qaar waxaa ay ka shaqeeyaan oo ay qaabilsan yihiin Sheybaarka, kuwa kalana waxaa ay ka shaqeeyaan Computer-ka iyo Farmasiga xarunta, dabcan arrintaa waxaa oran karnaa waa fursad shaqso ayuu intaa raaciyay Dr Majiiste.

Wuxuu sheegay in ujeedadan xarunta loo aas-aasay tahay oo kaliya in la caawiyad dadka baahida caafimaad qaba, isaga oo aan meesha ka saarin in ay jiraan wax xoogaa kharashaad ah oo laga qaado dadka bukaanka ah.

''Haa waa ay jirtaa in bukaanka laga qaado lacag, laakiin ma'aha in dadka oo dhan aan isku si u wadda qiimeynno, mar marka qaar waxaa dhici karta in aan qofka wax lacag ah ka weydinin marka aan ogaanno daruufaha dhinaca nolasha ee ku xeeran,” ayuu sheegay Dr Majiiste.

Dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne ayaa siweyn ula dhacsan korarka xarumaha caafimaad iyaga oo u arka fursad ay uga maarmi karaa safaradii dheeraa oo ay u gali jireen si ay u hellaan baartaanno caafimaad oo ku fillan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya