4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 16, 2015
Xukuumadda Kenya oo mar kale loogu baaqay inay ciidamadeeda kala Baxdo Gudaha Soomaaliya


Talaado, Juun 16, 2015 (HOL) — Xildhibaan Raxiim Daa’uud oo oo Deegaanka Imenti ee waqooyiga dalka Kenya laga soo doortay ayaa ugu baaqay xukuumadda inay ciidamadeeda kala soo baxdo Somalia si wax looga qabto amniga iyo koboca dhaqaale ee Kenya.

Mudanahan ayaa sheegay in joogitaanka ciidamada Kenya ee Qaybta ka ah Howl-galka Midowga Afrika (AMISOM) ee jooga Somalia ay saameyn weyn ku yeesheen hoos u dhaca ku yimid shillinka Kenya iyo amniga oo sii adkaanaya.

“Waxaan u baahannahay in awoodda ciidamadeenna aan dhisno oo aan saldhigyo cusub ka sameyso deegaanada Xuduudaha Kenya ku yaalla, si looga hortago wax walba oo khatar ah oo ka timaada Al-shabaab, sidaa daraadeed waa ciidamadeena laga soo saaro Somalia,” ayuu yiri xildhibaan Daa’uud.

Sidoo kale, xildhibaanku wuxuu Xukuumadda Kenya ku eedeeyay inay iska indho-tirayso xaaladaha amni ee dalka ka jira oo uu sheegay inay yihiin kuwo saameyn adag ku yeeshay dadka ku nool Gobolka Waqooyi-bari Kenya iyo deegaannada Xeebta ku yaalla.

Kenya ayaa waxaa kaga sugan Somalia kumanaan askari oo ka howlgala gobollo ku yaalla Koonfurta Somalia, gaar ahaan Jubbooyinka, iyadoo xukuumadduna ay dhowr jeer diidday inay ciidamadeeda kala soo baxdo Somalia.

Ugu dambeyn, hadalka Mudanahan ayaa imaanaya iyadoo maalin ka hor ay koox ka tirsan Al-shabaab weerartay Saldhig Millateri oo ku yaalla Lamu oo ka mid ah kuwa ku yaalla Xeebaha dalka Kenya, halkaasoo lagu dilay 11-Al-shabaab ah iyo laba Askari oo Keenyaan ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya