4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 16, 2015
OHIO: 15 Arday oo Deeqo Waxbarasho La Guddoonsiiyay

Talaado, Juun 16, 2015 (HOL) - 15 arday oo Soomaali ah ayaa lagu guddoonsiiyay deeqo waxbarasho xafladda qalinjebinta iyo horumarinta waxbarashada Ohio oo lagu qabto magaalada Columbus sanad walba. Xafladda ayaa loo qabtay in loogu tahniyadeeyo ardayda Soomaliyeed ee sannadkaan ka baxay dugsiyada sare iyo jaamicadaha gobolka Ohio. Waa sannadkii lixaad ee ay munaasabadaan oo kale la qabto oo ujeedadeedu tahy kor u qaadista muhiimadda ay jaaliyaddu siineeyso waxbarashada iyo in dhallaanka Soomaaliyeed lagu guubaabiyo tartanka aqoon kororsiga iyo ka mira dhalinta waxbarshada. Waxaa ka soo qeyb galay xafladda oo lagu qabtay hoteelka caanka ah ee Hilton madaxda dowladda gobolka Ohio, masuuliyiin ka tirsan guddoonka waxbarshada magaalada iyo gobolka, aqoon yahanno, waxgarad, ganacsato, culumaudiin, waalidiin iyo arday fara badan. Ardayda qalin jebineysa waxay ka kala yimaadeen iskuulo ay ka mid yihiin Columbus Public Schools, Westerville, Hilliard, Gahanna, Dublin, Worthington, New Albany, Whitehall, Southwestern City schools iyo qaar kale oo jaamicado ka baxay.

Waxaa khudbaddo guubaabin ka soo jeediyey goobta masuuliyiin badan oo runti muujieyey doorka ay waalidku ka ciyaaraan horumarka waxbarsharda iyo barbaarinta caruurta iyo ka mira dhalinta waxbarashada. Waxaa aad loogu nuuxnuuxsaday dadaalka ay jaaliyaddu ka sameeyneesyso xagga waxbaarashada iyadoo ay muddo aan ka badneyn muddo 20 sano ah oo keliyah ku sugnaa dalka Mareeykanka oo runtiina aysan yareyn culaysyada haysta waalidka iyo caruurta dhanka luqadda, dhaqanka iyo arrimo bandan oo ku cusub Soomalida.

Xafladda oo isugu jirtay casho sharaf iyo khudbado guubaabin ayaa waxaa markii dambe la guddoonsiyey ardayda intii nasiib u heshay deeqo waxbarasho (scholarships) oo wiilal iyo gabdho isugu jira  oo kol dhow ku wajahan in ay bilaaban jaamicadaha Mareykanka  sannad dugsiyeedka nagu aaddan. Ardaydii nasiibka u heshay deeqahaas waxbarassho ayaa muujieyey dareenkooda, oo ay aad ugu farxeen in ay jaaliyaddooda ay u qabtaan xafladdaan gaarka ah ee isu keentay ardayda ka qalin jebisay iskuulo kala duwan iyo waalidiintooda, siiyeyna aqoonsi, shahaadooyin iyo deeqo waxbarsho.

Munaasabadda xafladda qalin jebinta iyo deeqaha waxbarashada Ohio oo ay soo qabanqaabisay ururka SomaliCan iyo aqoonyahanno, waxgarad iyo ganacsato daneeya arrimaha waxbarshada iyo taakuleeynta barbaarinta caruurta oo waalidiinta Soomaliyeed dadaal xooggan ugu jiraan.

15ka arday  la guddoonsiiyay deeqaha waxbarasho ayaa kala ahaa:

1.       Yusuf Mohamed- Mifflin High School
2.       Hodan Mohamed- Westerville Central High School
3.       Ayaan Yusuf- Overland High School
4.       Mubarik Osman – Zenith Academy
5.       Hawo Mohamed- Canal Winchester
6.       Faiza Abdi- Lincoln Heights
7.       Sacdiya Mohamed- Columbus Global
8.       Kauthar Guled- Canal Winchester
9.       Fathi Awil- Columbus Global Academy
10.   Hussein Osman- Westerville Central
11.   Abdilatif Mohamed- Horizon Science Academy
12.   Sadiq Noor Hussein- Focus Academy
13.   Aden Haile- Westerville North
14.   Abdiaziz Mohamed- Northland High School
15.   Abdirizaq Ahmed- Northland High School

Dhammaan dadkii ka soo qaybgalay xafladda ayaa u hambalyeeyay ardaydii qalinjebisay sanadka 2015 iyaga oo ku guubaabiyay in ay sii wataan waxbarashadooda heer jaamacadeed.