4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 15, 2015
Guddiga Gurmadka Qaxootiga Soomaaliyeed oo Lacag Gaarsiiyay Qaxootiga ku Sugan Boosaaso

Isniin, Juun 15, 2015 (HOL) — Munaasabad  lagu wareejinayey deeqdaan lacageed  oo lagu   qabtay xafiiska guud ee mu’asasada al-Minhaaj  ayaa  ugu horayntii waxaa  ka hadlay Sheekh Maxamed Macalin Axmed oo kamid ah culimada Soomaaliyeed , wuxuuna tilmaamay in Guddiga Gadbaadinta Qaxootiga Soomaaliyeed ay soo gaar siiyeen lacag dhan $50,000 ( konton kun oo doolar) , oo ay ugu talagaleen in lagu gargaaro qaxootiga yemen  kasoo qaxaya ee tabaalaysan  ayna ku wareejinayaan gudiga u xilsaaran gurmadka qaxootiga yemen ee Puntland.

Sheekh Maxamed Macalin  ayaan uga mahad celiyey Gudiga Gurmadka Qaxootiga Soomaaliyeed ee ay hormuudka u yihiin Culimada Sheekh Nuur Baaruud iyo Sheekh Bashiir Axmed Salaad,   deeqdaan lacageed oo ay soo gaarsiiyeen guddiga taakulaynta qaxootiga Yemen iyo culimada Puntland , wuxuuna tilmaamay in deeqadani ay tilmaan wayn u tahay midowga ,isku danqashada  iyo walaaltinimada umada Soomaaliyeed loona baahan yahay in lasii laba jibbaaro .

Sheekha oo hadalkiisa sii wata  ayaa  waxa uu  ugu baaqay Dowlada Federalka ah in ay kaalin teeda ka  qaadato  u gar gaaridda  qaxootiga taabaalaysan ee kasoo qulqulaya dalka yemen iyaguna mas’uul ka  yihiin lagana sugayo masuuliyaddoodii  in ay ka soo baxaan.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Gudoomiyaha Mu’asasada al-Minhaaj  Maxamed Cabdullaahi Cabdalle  oo ugu  horayntii uga mahad celiyey Gudiga Gurmadka Qaxootiga Soomaaliyeed lacagtan ay soo gaarsiiyeen culimada iyo gudiga gurmadka , isagoo  aad ugu bogaadiyey  juhdiga ay bixinayaan  ee ku aadan u gurmashada qaxootiga  Yemen ka soo qaxaya.
Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa  balan qaaday in dadaalka u gurmadka dadka qaxootiga ah ay sii wadayaan mar walbana u heelan yihiin garab istaagga dadka tabaalaysan.

In taas kadib waxa la gudo galay wareejintii lacagta waxaana lacagta oo  dhamayd $50,000 oo kaash ah lagu wareejiyey Gudoomiyaha Guddiga Gurmadka Qaxootiga Yemen ee Puntland , Sheikh Axmed Yuusuf Daad.

Gaba gabadii  munaasabada  ayaa waxaa soo xiray Gudoomiyaha Gudiga Gurmadka Qaxootiga Yemen ee Puntland Sheikh  Axmed Yuusuf Daad wuxuuna uga mahad celiyey guddiga bad baadinta qaxootiga soomaaliyeed deeqdaan ay soo gaarsiiyeen.  

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay ilaa hada in ay soo gaareen dekeda Boosaaso dad ku dhow 16000 oo qof, xeradana hada ay ku jiraan dad gaaraya 2000  oo qof , lacagtaana ay rari karto 600 oo qof . Sheikh Axmed  ayaa uduceeyey dhamaan dadka soomaaliyeed ee wax ku

bixiyey u gargaarida walaalohooda soomaaliyeed , tilmaamayna wali in ay arintu tahay "Faanoole fari kama qodna"

Xigasho: Xafiiska Warbaahinta al-Minhaaj
Baahin: Hiiraan Online