4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 15, 2015
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta la kulmay Madaxda dalalka ay ciidanku ka joogaan Somalia


Isniin, Juun 15, 2015 (HOL) — Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta Johannesburg ku Shir-guddoomiyay kulan ay ka Qayb-galeen Hoggaamiyeyaasha Wadamada ay ka Socdaan ciidamada howlgalka u jooga Soomaaliya ee AMISOM.

Shirkan ayaa waxaa ka Qayb-galay Hoggaamiyeyaasha Dalalka Kenya, Itoobiya, Wakiillo ka socday dalalka kale ee ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya, Madaxa Guddiga Amniga iyo Nabadgelyada ee Ururka Midowga Afrika, Ismail Chergui, Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia, Maman Sidikou, Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia, Danjire Nicholas Kay iyo dublamaasiyiin kale.

Kulankan oo gaar ka ah Shir-madaxeedka 25-aad ee Midowga Afrika, ayaa khudbad uu ka jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu uga Mahad-celiyey dalalkaas sida ay naftooda ugu hureen Samata-bixinta Shacabka iyo Dalka Somalia, isagoo uga warbixiyey xaaladda dalka iyo baahida loo qabo in ciidamada AMISOM iyo kuwa Somalia ay yeeshaan iskaashi dhow iyo isku dubbarid-wanaagsan dhanka Hawl-gallada.

“Waxaan ku sii siqeynaa Sannadka 2016-ka oo aan dooneyno inuu waddankeena hore u sii dhaqaaqo, si taasi loogu najaxana waxaan dooneynaa inaan xorreyno Qaybaha yar ee weli ku harsan gacanta cadowga, taasina waan ku guuleysan karnaa haddii aan mideyno awood-deenna dhan kasta. Al-shabaab dhibaato kuma hayso Soomaaliya oo keliya, laakiin waxay dhibaatadooda ku fidiyeen dalalka gobolka, waxaana la inooga fadhiyaa inaan dadaalkeena kordhino, deg-degna aan uga sifeyno Soomaaliya iyo Gobolka oo dhan,’’ ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale, wuxuu  intaa raaciyay inay muhiim tahay in Waddamada Gobolka oo dhan ay iska kaashadaan dhanka xog is-weydaarsiga, Isla-markaana Beesha Caalamka ay laban-laabto taageerada dhinaca maaliyada iyo saadka ee ay u baahan yihiin ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya, Haile Mariam Desalegn oo iyaguna shirka ka hadlay ayaa soo Dhaweeyay Hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo sidoo kalena sheegay in Dalalkooda ay ka Go’an tahay inay taageeraan Somalia, si loo ciribtiro argagixisada, nabad waartana looga dhaliyo guud ahaan gobolka.

Ugu dambeyn, Dowladda Uganda ayaa iyana Shirka ka sheegtay inay diyaar u tahay inay ciidamo dheeri ah u soo dirto Soomaaliya, si ay uga qeyb qaataan Hawl-gallada muhiimka ah ee lagu taageerayo dowladda Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya