4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 15, 2015
Maamulka Gobolka Hiiraan oo Codsaday in la Caawiyo dadka kasoo Cararaya Colaadda Yaman

Isniin, Juun 15, 2015 (HOL) — Magaalada Beledweyne oo ah marin isku xira Gobollada Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya, ayaa waxaa todobaadyadii ugu danbeeyayba soo gaarayay qaar ka mid ah qoysaska isaga soo cararaya colaada dalka Yaman.

Ku-simaha guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Sheekh Xusseen Cismaan Cali oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in jiraan boolaal qoysas ah oo ka yimid dalka Yaman kuwaa oo intooda badan kasoo galay dhinaca gobolka Bari magaalada Boosaaso.

''Qoysaskan qaarkood cidna magaalada kama garanayaan, kuwana waxaa ay dul-saar ku yihiin dad ay bar-garanayaan oo horay magaalada u sii joogay, waxaan ka codsaneynaa hay'addaha iyo dadka Alle wax siiyay in ay soo gargaaraan dadkan ayuu yiri'' ku-simaha guddoomiyaha maamulka gobolka.

Marka aad dhax socto magaalada waxaa kuu muuqanaya wajiyo cusub oo sawir guud kaa siinaya xadiga qoysaska ka soo barakacay Yaman ee ku sugan magaalada Beledweyne, kuwaa oo u badan haween iyo caruur qaarkood halkaa ku dhalatay.

Inkastoo aysan jirin xeryo u gaar ah oo dadkan loo asteeyay in la dajiyo, haddana boqolaal-kan qoys ee ku sugan magaalada Beledweyne waxaa ay qaarkood maciin bideen xeryaha barakacayaasha ee ku yaalla daafaha magaalada.

Labadii todobaad ee la soo dhaafay inta badan gadiidka safarka ah ee ka soo galla dhinaca gobollada W/bari dadka la socda waxaa ay u badnaayeen qoysaska ka soo cararaya Yaman oo siweyn ugu qul-qulaya gobollada dalka Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya