4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 15, 2015
Munaasabad lagu xusayay sanad-guuradii 55 ee xorriyada Somalia oo lagu Qabtay Minnesota (SAWIRRO)


Isniin, Juun 15, 2015 (HOL) — Xuska sannad-guuradii 55-aad ee kasoo wareegtay markii ay Xornimada heshay Somalia ayaa lagu qabtay Magaalada Minneapolis, iyadoo loo xiray xuskan wado weyn oo halbowle u ah ganacsiga magaalada oo lagu magacaabo Lake Street, waxaana kasoo Qayb-galay xuskan madaxda gobolka Minnesota iyo kuwo laga soo doorto dagmooyinka gobolka, iyadoo sidoo kale ay kasoo Qayb-galeen Mas'uuliyiin kala duwan oo  Soomaali iyo Mareykan isugu jira.

Muuqaalka dadweynaha iyo fagaaraha ayaa ahaa mid aad u qurxoon, iyadaoo marka aad isha la raacdo dadkii joogay goobta lagu qabtay xuska munaasabadda  26 Juun iyo 1-da Luulyo aad ka dheehan kartid quruxda uu leeyahay Calanka Soomaaliyeed ee Buluuga ah ee xidigta 5-ta gees ah dhexda ku leh.

Kumanaan kamid ah bulshadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka Minnesota ayaa ku soo xaadiray jidka weyn ee Lake Street iyo Goobtii lagu Xusayay maalinta Xornimada is raaca Waqooyi iyo Koonfur Somalia. Maalinta 1-da Luulyo ayaa qiimo weyn ugu fadhida muwaadin kasta oo Soomaali ah.

Xildhibaannada ka qaybgalay xuska maalinta xorriyadda Soomaaliya ayaa kala ah: Amy Klobuchar, duqa magaalada Minneapolis, Mayor Betsy Hodges, State Senator Jeff Hayden, Cabdi warsame Gud. Xaafada 6aad ee MPLS, Jacob Frey Gud. Xaafada 3aad ee MPLS kuwo kale oo badan. Amy Klobuchar ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hanbalysay Xuska Xornimadooda waxay kalo u sheegtay in ay dhawaan kula kulantay caasimada Washington R/wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid iyada madax kale ayna ka la hadleen Arrimaha Horumarinta dalka, waxay kaloo ka hadashay Arrimaha Xawilaadaha in wadanku u baahan yahay horemarin dhaqaale waana ka shaqeen doonaa sidii Somalia nabad u noqon lahayd ayay tiri.

Qaban-qaabada Quruxda badnayd ee Xuska Waxaa lahaa Urur Dhallinyaro oo ka Dhisan Gobolkan Minnesota kaasoo lagu magacaabo KA JOOG, mana aha sanadkii ugu horeeyay ay Qaban-qaabiyaan waa kii Afraad; siduu HOL u sheegay Madaxa ururukaan, Maxamed Faarax.

Waxyaalaha lagu soo bandhigay sannadkan waxaa ka mid ahaa ciyaaraha Hiddaha Dhaqan, heeso fara badan, majaajilooyin, ciyaar kubada cagta, bandhig Xaywaanad kala duwan sida faras, ari

Wasiirka Boostada Guuleed Xuseen A. Qasim iyo Wasiir xigeenka Maaliyada Dowladda Somalia Maxamed Xayir Ibraahim ayaa iyaguna kasoo qaybgalay xuskan khudbado qiiro leh u jeediyay dadwaynahii halkaa isagu yimid kala hadlay arrimo badan sida dib u dhiska Dalka, in Aqoonta loo celiyo dadka, in laga fogaado qabyaaladda.in laga shaqeeyo hiigsiga 2016 ka codsaday waxayna dadkii goobta yimid u soo dhaweeyeen madaxda Soomaaliyeed si heer sare ah.

Iyadoo khudbadahaas ay si aad ah ugu riyaaqeen dadkii kasoo qayb-galay xuska maalinta xorriyadda Soomaaliya.

Dhanka kale, waxaa goobta ka hadlay xildhibaan Cabdi Warsame oo ka sheekeeyay in Magaalada Minneapolis ay ogaaladay inay aqoonsado 01-da July in Taariikhda magaalada ka soo baxda lagu qoro waa maalintii Soomaalida waxaa isaguna oglaaday Gudoomiyaha Gobolka Mark.

Ururka KA-JOOG ayaa u mahadceliyay dhammaan dadkii howshan ka Qayb-qaatay.

Maalmaha Xorriyadda Somalia ayaa ku kala beegan 26-ka Bishan Juun iyo 01-da Luuliyo, iyadoo Soomaalida ku nool Gobolka Minnesota ay Sanadkan hormarsadeen Munaasabadda 1-da Luulyo bisha Barakaysan ee Ramadaan Awgeed.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis Minnesota