4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 15, 2015
HARGEYSA: Carwo la Isugu keenay shariikadaha iyo Dhallinyarada Shaqo Doonka ah (SAWIRRO)


Isniin, Juun 15, 2015 (HOL) — Wasaarada shaqadda iyo Arrimaha bulshadda ayaa maanta soo Qaban-qaabisay carwo nooceeddu ku cusub yahay oo ku kulmayaan shaqo doonka iyo loo shaqeeyaha.

Carwadan waxa ka soo qaybgallay madaxweyne kux igeenka C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici, wasiirka wasaaradda shaqadda iyo arrimaha bulshadda, wasiirka madaxtooyadda iyo ganacsatadda waaweyn iyo kuwo yaryar.

Carwadan oo maanta ka furantay hoteel Maansoor ayaa socon doonta laba cisho, waxaana la doonayaa inay fursad u helaan shaqo doonka iyo loo shaqeeyaha sidii ay iskugu iman lahaayeen,isla markaana labadda dhinacba ka faa’iidaystaan, waxaanay carwadani u badan tahay dhalinyaradda farsamo yaqaanka ah sidii ay usoo bandhigi lahaayeen aqoontoodda xaga farsamadda ah.

Agaasimaha guud ee wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada Somaliland, ayaa sheegay inay ahmiyad weyn u tahay in shaqaalaha shaqo doonka ahi iyo kuwo in loo shaqeyo rabaa u wadda xidhiidhi lahaayeen.

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay masuuliyiinta  shirkadaha DAHABSHIIL, SBI, Hass Petroleum , SOMCABLE  Iyo TELESOM, kuwaas oo sheegay in intoodda badan yihiin shaqaale muwaadiniin ah balse ay ku jiraan dad kooban oo laga maarmi waayey oo ajanabi ah.

 “Waxaan jecelahay in aan mahad naq aan u jeediyo shirkadihii ka soo qeyb galay oo aaney u suuro-galin dhammaan inay halkan ka wadahadlaan, waana ugu mahad celinayaa doorka ay kaga jiraan dalka iyo kasoo Qayb-galka ay kasoo Qayb-galeen carwadan,” ayuu sheegay Wasiirka Shaqada, Cabdi Aw-daahir.

Waxaanu intaas ku daray “Shaqadu waa shaqaale ,shaqo doon iyo loo shaqeeye  wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada waa biriish u dhaxeeya shaqo doonka iyo loo  shaqeeyaha,  markaas carwadani waa bilow laba cishana wey socon doontaa”

 “Ganacsatadu door weyn bey ka ciyaareen intii uu dalkani soo jirey waana laf dhabarta Somaliland wax badana wey soo qabteen runtii. Jaamacadaheenu wey dadaaleen  oo waxey soo saaren ardey faro badan oo ay tacliin baratay, ta kaliya ee dalkeena ka maqani waa farsamadii gacanta waxaana jecelahay in bulshada u sheego  in madaxweynaha Somaliland in marka ay shirkadu shaqaale  qaadaneyso ay u qaato nidaam ay dawladu u sameyneyso balse aanay u  qaadanin nin jecleysi iyo qaarabo ahaanba ” ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenka Somalilnad Saylici.

Si kastaba ha ahaatee, Dhallinyarada shaqo doonka ah ayaa si weyn uga cabanaya inay shirkadihii wax shaqaalaysiinayey ku xushaan garasho iyo nin jeclaysi, isla markana ay ku keentay niyad jab ka dib markii loogu tartansiin waayey aqoon iyo karti.

Kumanaan kun oo arday ayaa sanad walba ka soo qalinjabisa jaamacadaha dalka, kuwaas oo u baahan in la habeeyo, haseyeeshee rajada uu qofku shaqo ku helay ay aad u yar tahay.

Haseyeeshee, fursadaha noocan oo kale waa mid loo baahan yahay, isla markana ay isku arki karaan dadka shaqo doonka ah iyo kuwo shaqaalaha u baahanba.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]      
Hargeysa, Somaliland