4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 15, 2015
Kenya oo Sheegtay inay dishay Nin British ah oo u Dagaallamayay Al-shabaabta Soomaaliya


Isniin, Juun 15, 2015 (HOL) — Mid ka mid ah 11 ruux oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab oo ay Ciidamada Millateriga Kenya Shalay ku dileen iska-horimaad ka dhacay Deegaanka Lamu ee Gobolka xeebta Kenya ayaa la aqoonsaday, iyagoo Saraakiisha Amniga Kenya ay sheegeen inuu ahaa ruux u dhashay dalka Britain.

Dagaalyahankan oo magaciisu ahaa; Thomas Evans oo qaatay diinta Islaamka 19-jirkiisii lana baxay C/kariin ayaa la xaqiijiyay inuu ka mid ahaa xoogaggii Al-shabaab ee weeraray saldhig Millateri oo ku yaalla Lamu.

C/xakiim - Thomas Evans ayaa dhashay sannadkii 1991-kii, isagoo Somalia u soo safray isagoo sii maray Kenya sannadkii 2011-kii markaasoo uu ku biiray Xarakada Al-shabaab ee Somalia.

Intii aanu tegin Somalia ayaa la sheegay inuu ku noolaa dalkaMasar, isagoo sheegay inuu u tagay Qaahira si uu u soo barto luuqadda Carabiga, iyadoo maydka sarkaalkan ajnabiga ah ee Al-shabaab ka tirsanaa ay gacanta ku hayso Kenya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Britain ayaa Sheegtay in ay baaritaan ku sameyn doonto hadalka kasoo baxay xukuumadda Kenya ee ah in la dilay Thomas Evans oo loo yaqaannay Cabdulxakiim.

Ciidamada Kenya ayaa soo bandhigay maydka 11-ruux oo Al-shabaab looga dilay gudaha dalka Kenya, kuwaasoo ay ku jiraan laba ruux oo caddaan ah, kuwaasoo xirnaa dharka lagu yaqaan ciidamada ee tuutaha ah, Waxaana Kenya ay sheegtay in jirkiisa laga furay Hub iyo Waxyaabaha Qarxa.

Dhanka kale, Xoogagan ayaa la rumeysan yahay inay hawlgalo badan ka fuliyeen Gobolka Xeebta Kenya ku yaalla, ayna ka dambeeyeen weerarkii ka dhacay bishii Juun ee sannadkii hore Magaalada Mpeketon oo ka tirsan deegaannada ku yaalla Xeebta Kenya.

Xubnahaka tirsan Al-shabaab ee u dhashay dalka Britain ayaa la sheegay inay tiro ahaan ka badan yihiin 50 qof. Iyadoo Al-shabaab aysan weli ka hadlin sarkaalkan British-ka ahaa ee looga dilay gudaha Kenya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya