4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 15, 2015
Madaxweynaha Dalka Sudan oo Maanta Gelinkii dambe ka Dhoofay Waddanka Koonfur Afrika


Isniin, Juun 15, 2015 (HOL) — Madaxweynaha dalka Sudan Cumar Xasan Al-bashiir ayaa la sheegay inuu ka dhoofay maanta dalka Koonfur Afrika, isagoo Waddankiisa ku aaddan Caawa, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Khatruum, iyadoo Safarkiisu uu imaanayo xilli shalay ay Maxkamad ku taalla Johannesburg soo saartay Amar ah inaanu Al-bashiir ka bixi karin Koonfur Afrika.

Amarka Maxkaamdda dalka Koonfur Afrika ayaa yimid kaddib markii Maxkamadda ICC ay Weydiisatay Dowladda Koonfur Afrika inay xirto madaxweynaha Sudan Al-bashiir oo loo haysto dambiyo dhanka ban’aadamnimada ah oo uu ka geystay Daafuur.

Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ku Sugan Magaalada Geneva ee Waddanka Switzerland ayaa dalbaday in la Tix-geliyo amarka ay soo saartay maxkamadda dambiyada dagaalka ee ICC.

Sidoo kale, Xeer-ilaaliyaha Xukuumada Koonfur Afrika, William Mokhari ayaa u sheegay wariyeyaasha maanta oo Isniin ah in amarka lagu xayiray Cumar Al-bashiir uu ahaa mid uu bixiyay hal garsoore oo keliya, ayna garsoorayaasha maxkamadda Pretoria ay maanta dib u eegayaan go’aankaas. Isagoo intaa raaciyay in Al-bashiir uusan khatar ku ahayn hadalkaas, maadaama uu Koonfur Afrika u yimid ka Qaybgalka shirka Ururka Midowga Afirka.

Laakiinse markii uu hadalkaas ku dhawaaqay Xeer-ilaaliyaha dalka Koonfur Afrika ayaa la sheegay in diyaaraddii qaadday Madaxweynaha Suudaan Al-bashiir ay ka duushay saldhig millateri oo ku yaalla Duleedka Johannesburg, iyadoo Xukuumadda Sudan ay isla markaas ku dhawaaqday iyaduna in Al-bashiir uu dalka Koonfur Afrika kasoo dhoofay, uuna kusoo wajahan yahay Khartuum 6:00 Maqribnimo ee Caawa.

Tallaabooyinkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo Warbixin ay Koonfur Afrika ay soo saartay 05 Juun ayuu ku xusay Wasiirka Xiriirka Caalamiga ah ee Koonfur Afrika, Maite Nkoana-Mashabane in labada Dal ay kala Saxiixdeen heshiis ah in la ilaalinayo xasaanada Wafdiga Suudaan uga Qayb-geli doona Shirka Ururka Midowga Afrika.

Xisbiga muxaafadka ah ee dalka Koonfur Afrika - ANC - ayaa isagana sheegay inay ilaalin doono Xukuumadda Amniga Wufuudda Shirarka Ururka Midowga Afrika, Sida ay Qabaan Shuruucda Caalamka, sida loo ballan-qaado Ammaanka Wufuudda Kulammada Qaramada Midoobay ka Qayb-gala.

Ugu dambeyn, Maxkamadda Pretoria ayaa maanta dalbatay in Al-bashiir loo ogolaado inuu dalkiisa u Ambabaxo, maadaama uu Koonfur Afrika yimid si uu uga Qayb-galka shirka 25-aad ee Ururka Midowga Afrika.

Al-Bashir ayaa Dalka Suudaan Xukumayay muddo 25-sano ah, iyadoo dhawaan dib loogu doortay inuu Dalkaas sii Xukumo muddo shan sano ah oo cusub, iyadoo tani ay noqonayso markii ugu horreysay oo khatar la geliyay noloshiisa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya