4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 15, 2015
SAWIRRO: Arday Todoba Kun ah oo Maanta u Fariistay Imtixaanka QARAN ee ay Qadayso DF Somalia


Isniin, Juun 15, 2015 (HOL) — Waxaa Maanta markii ugu Horreysay Muddo 24-sano ah u fariistay Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee bartamaha iyo Koonfurta Somalia, kaasoo ay qaadayso Wasaaradda waxbarashada dowladda Somalia, ayna ka Qayb-galayaan ku dhawaad 7,000 arday oo isugu jira gabdho iyo wiilal.

Muqdisho ayaa ka mid ah goobaha lagu qaadayo imtixaankan mideysan, waxaana booqday goobaha lagu qaadayo Imtixaankaan Xubno ka tirsan Wasiirrada Dowladda Somalia oo ay ku jirto wasiirka waxbarashada Somalia Khadro Bashiir Axmed.

Wasiirka Cadaaladda Somalia, C/llaahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir) oo ay wehliyaan ayaa si Rasmi ah u furay Imtixaanka Shahaadiga ah ee ee Dugsiyada Sare si Ardaydu ay u helaan Shahaadooyin mid ah oo Wasaaraddu Aqoonsan tahay.

Imtixaankan ayaa ku yaalla Muqdisho ee lagu qaadayo waxaa ka mid ah Iskuulkii hore ee Farsamada, halkaasi oo ay ku galayaan Ardayda u fara badan, Sidoo kale waxaa iyadana ay ardaydu ku galayaan Imtixaanka Jaamacadda Ummadda, halkaasioo ay joogeen arday badan, iyadoo mas’uuliyiinta dowladda ay tallaabo horumar leh ku tilmaameen qaadista Imtixaankan wadajir ah.

“Runtii tallaabadan waa mid horumar leh, waxaana howshan soo waday Wasiirradii aniga iga horreeyay, waxayna soo socotay muddo saddex sannadood ah. Dhab ahaantiina waxaa jiri doona dal-daloollo, waxaanse isku dayaynaa inaan sannadaha soo socda daboolno dul-duleedda soo baxa,” ayay tiri Wasiiradda Waxbarashada Somalia oo la hadlay Warbaahinta intii ay ku jirtay kormeerka Imtixaanaadka.

Ardayda ka qaybgalaya Imtixaanaadkan iyo Macallimiinta ilaalinayay ayaa iyaguna soo dhaweeyay imtixaanka, iyagoo sheegay inay ku faraxsan yihiin in maanta laga Qaado qaybo badan dalka ka mid ah Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada sare oo ah mid Mideysan.

Waxaa Dhinaca kale Goobaha ay Maanta Imtixaanka ku Galayeen Ardayda ee ku yaalla Muqdisho ayaa lagu arkayay ciidammo fara badan oo booliis ah, kuwaasoo ku howlanaa inay Ammaanka Ardayda imtixaanka galayay iyo Goobaha lagu galayo imtixaannada ay sugaan, waxaana howsha ciidamada uga warbixiyay saxaafadda Jen. Bariise oo ka mid ah Saraakiisha Booliiska Somalia.

“Booliis ahaan Annaga Waxaa nooga aaddan inaan sugno Ammaanka, maadaama ay tahay markii ugu Horreysay Muddo Fog kaddib in Dowladdu ay Suuro-gelisay in ay Ka Qaaddo Ardayda Soomaaliyeed Imtixaan Mideysan, iyadoo Goobaha imtixaanaadku ka dhacayaan aan geynay ciidamo badan si ay amniga u sugaan, Allena wuu nagu guuleeyay howshaas,” ayuu yiri Jen. C/llaahi Xasan Bariise.

Dhanka kale, 200 oo arday oo wax ka dhigta Dugsiyada ku yaalla Gaalkacyo ayaa iyagana saaka u fadhiisantay Imtixaanka mideysan oo ay Wasaaradda Waxbrashadu soo diyaarisay.

Ugu dambeyn, Magaalooyinka Cadaado, Beladweyne, Baydhabo iyo magaalooyin kale oo Dalka ka mid ah ayaa iyagana waxaa Imtixaankan mideysan u Fariistay Arday fara badan, Kuwaasoo iyagana muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin Imtixaankan Shahaadiga ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya