4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 15, 2015
Madaxweynaha Dowladda Somalia oo Koonfur Afrika Kula Kulmay Dhigiisa Wadanka Tanzania


Isniin, Juun 15, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha dalka Tanzania Jakaya Mrisho Kikwete oo ay kawada qayb-galayeen shirweynaha Midowga Afrika ee ka socda Johannesburg.

Xasan Sheekh ayaa ugu horreyn uga mahad-celiyey xukuumadda Tanzania gacanta ay ka geysato dadaalka Midowga Afrika iyo Beesha Caalamka ee dib u dhiska Somalia, isagoo dhanka kalena sheegay in Tanzania ay tusaale u tahay Wadamada Qaaradda Afrika, dhinacyada siyaasadda, xasilloonida iyo midnimada.

Sidoo kale, madaxweynaha Tanzania Jakaya Kikwete ayaa isagana kulankaas ka sheegay in Dowladdiisu ay mar walba diyaar u tahay inay iskaashi dhinacyo badan la sameyso Soomaaliya, isagoo bogaadiyay horumarka siyaasadeed iyo nabadgelyo ee ay Soomaaliya ku tallaabsatey, colaadihii iyo dhibaatooyinkii dhacay kaddib.

Kikwete ayaa sidoo kale casuumaad ugu fidiyey Madaxweynaha Soomaaliya inuu booqdo dalkiisa Tanzania, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu casuumaaddaas ka Aqbalay.

Ugu dambeyn, kulanka labada madaxweyneoo ku dhacay jawi is-afgarad leh ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya, C/salaam Hadliye Cumar, Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Dibedda ee Tanzania, Mahadi Maalim iyo Mas’uuliyiin kale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya