4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 15, 2015
Xisbiga Siyaasiga ah ee XIIS oo shirkiisii ugu horreeyay ku Qabtay Magaalada Nairobi (SAWIRRO)


Isniin, Juun 15, 2015 (HOL) — Xisbiga Siyaasiga ah ee Isbahaysiga Isbedel-doonka Soomaaliyeed ee XIIS, ayaa shalay shir balaaran ku qabtay Magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya.

Shirka oo ay ka soo qeyb galeen masuuliyiin horay xilal sare-sare oga soo qabtay wadamada Somalia iyo Kenya, Xildhibaano, Aqoonyahano, Hogaamiyayaal Xisbi iyo Ururada Bulshada, ayaa waxaa ka hadlay Guddoomiyaha XIIS Injineer C/llaahi Ciil-Mooge Xirsi oo horay u soo noqday Wasiirkii Warfaafinta iyo Isgaarsiinta ee Dowladda Somalia.

Ciil-Mooge oo ka hadlay Xisbiga uu Guddoomiyaha ka yahay, ayaa u sheegay dadkii ka qeyb galay Xafladaas in Xisbiga XIIS uu u taagan yahay hir-galinta dimuquraadiyadda iyo toosinta talada Somalia. Astaantiisuna ay tahay Nabad, Caddaalad, Horumar, Dib u heshiisiin, Sinaan iyo Eex la’aan.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay dhibaatooyinkii Soomaaliya ka dhacay bur-burkii ka dib, isagoona sheegay in Xisbigoodu ay laf-dhabar u yihiin Dumarka iyo Carruurta, ayna wanaajin doonaan xiriirka caalamiga, isla markaasna ay hirgalin doonaan Dastuurka Soomaalia.

“Inta Qof Soomaali ah uu careysan yahay ama uu dulman yahay cadaalad ma jirto”, ayuu yiri Cabdullaahi Ciil-Mooge Xirsi oo intaas ku daray in hadii uu ku guuleysto xilka ugu sareeyo Somalia, uu furi doono wada hadal toos ah oo lagu heshiisiinaayo Soomaalida.

Dhanka kale waxaa shirkaas ka hadlay siyaasiyiin ay ka mid ahaayeen Faarax Macallin oo horay u soo noqday Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya, Caasha Axmed Cabdalla iyo Prof Maxamed Cali Ibraahim oo Wasiir horay u noqday, madaxdana ka ah Xisbi Siyaasi ah.

Faarax Macallin oo hadal dheer ka jeediyay xafladaas, ayaa wuxuuna ku booriyay dadka Soomaalida iney ka wada shaqeeyaan nabadeynta dalkooda.

“Waxaan kula talin lahaa dadka Soomaaliyeed iney heshiiyaan oo ay iska qabtaan kuwa dhibaatada wada, waxaana u sheegayaa Soomaalida markaad idinku wax noqotaan ayaan anaguna wax noqon doonaa”, ayuu yiri Faarax Macallin oo intaas ku daray iney taageerayaan horumarka iyo nabada Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Xisbiga XIIS oo la aas-aasay horaantii sanadkaan, sal-dhigiisana uu yahay Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa la sheegay inuu u tartami doono doorashada ka dhaci doonto Somalia sanadka soo socdo ee 2016-ka, wuxuuna xarumo ku leeyahay Wadamo kala duwan oo ay ka mid yihiin Kenya, Norway, Denmark iyo Mareykanka sida uu sheegay Guddoomiyaha Xisbigaas.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya