4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 15, 2015
Kulan looga hadlay Joojinta Jaridda Dhirta iyo Dhoofinta Dhuxusha oo lagu Qabtay Muqdisho


Isniin, Juun 15, 2015 (HOL) — Shir looga hadlay yareynta Xaalufinta dhirta iyo dhoofinta dhuxusha ayna sooqaban qaabisay Wasaaradda xanaannada xoolaha Soomaaliya ayaa lagu qaabtay Muqdisho.

Xubnihii ka qaybgalay kulankan qaarkood ayaa ka hadlay dareenkooda ku aaddan arrinta iyo sida la isaga kaashan karo ka hortagga xaalufinta dhirta iyo dhoofinta dhuxusha, taasoo khatar ku ah deegaanka Somalia.

“Anigoo ku hadlaayo magaca Puntland waxaan soo jeydinayaa in arrintan iskaashi laga yeesho si looga hortago xaalufinta dhurta,” ayuu yiri Mas’uulkii Puntland kaga Qayb-galay kulankan.

Sidoo kale, Mas’uul ka socday Galmudug ayaa isaguna xusay inuu soo jeedinayo in dadka ku howlan jaridda dhirta loo abuuro shaqo. Waxaa kaloo isna hadlay mas’uul ka socday maamulka Koonfur-galbeed Somalia oo sheegay in arrintan looga hortegi karo Iskaashi wadajir ah.

Wasiir ku xigeen ka Wasaaradda Batroolka Maxamed Axmed ayaa isna si kooban hadal uga jeediyay kulanka, isagoo xusay in looga baahan yahay Maamullada ka jira dalka iyo dowladda dhexe inay iska kaashadaan ka hortaggan Arrintan.

Dhanka kale, Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Somalia, Sidiid Ciid ayaa kulanka ka yiri. “Waxaan soo jeeydinayaa in looga hortagi karo dhoofinta dhuxusha iyo jaridda dhirta in wada-shaqeyn buuxda ay yeeshaan maamullada ka jira dalka. Waxaanan ugu baaqayaa Shacabka Soomaaliyeed inay ka faa’iideystaan kheraadka badda oo laga wantoobo xalufinta dhirta.”

Ugu dambeyn, Xubnihii Kulanka ka hadlay ayaa Dhammaantood sheegay inay dhibaato xooggan dalka ku hayso jaridda dhirta iyo dhoofinta Xoolaha, waxayna ku dhawaaqeen inay iska kaashan doonaan sidii arrintan looga hortegi lahaa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya