4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 14, 2015
Shir-madaxeedka 25 ee Ururka Midowga Afrika oo Maanta ka furmay Magaalada Johannesburg


Axad, Juun 14, 2015 (HOL) — Shir-madaxeedkii 25-aad ee Ururka Midowga Afrika ayaa Maanta ka Furmay Magaalada Johannesburg ee Dalka Koonfur Afrika, iyadoo marka laga soo tago madaxda Afrika uu ka Qayb-galayo Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping.

Madaxweynaha China oo hadal kooban ka jeediyay shirka ayaa hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika ee shirka ka qayb-galaya ku boorriyay inay xoogga saaraan sidii ay Afrika Horumar ku gaarsiin lahaayeen, ayna u xoojin lahaayeen xiriirka ay la leeyihiin dalalka Caalamka.

Ajandayaasha Shirka AU ee Sannadkaan looga hadlayo ayaa Waxaa ka mid ah Hiigsiga Qaaradda ee sannadka 2063-ka, iyadoo sidoo kale looga hadli doono arrimo ay ka mid yihiin Awood-siinta Haweenka, Ammaanka Qaaradda iyo sidii ay dalalka Afrika u yeelan lahaayeen iskaashi buuxa.

Sidoo kale, Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika, Jacob Zuma oo isna Shirka ka Hadlay ayaa Madaxda Afrika ugu baaqay inay diirada saaraan sidii dhaqaalaha Afrika horay loogu riixi lahaa. 

“Afrika waxay cagta saartay waddadii horumarka iyo horumarinta dhaqaalaheeda, waxaana ku kalsoonahay in laga gun-gaari karo dadaalka ay Qaaraddu ku doonayso ka miro-dhalinta Qorshaha Hiigsiga 2063-ka,” ayuu Zuma khudbadiisa ku yiri.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale ka qaybgalay koox u ololeynaysa in Haweenka Afirka ay helaan Xuquuqda dhanka siyaasadda dalalkooda, kuwaasoo lagu wado in Madaxda Shirka ka qaybgalaysa ay ku boorriyaan in xoogga la saaro Awood-siinta Haweenka Afrika.

Madaxweynaha Sudan, Cumar Xasan Al-bashiir oo Maxkamadi ay ku amartay inuusan ka bixi karin dalka Koonfur Afrika ayaa ka qayb-galaya shirka ururka Midowga Afika, iyadoo saraakiil u hadlay dowladda Sudan ay sheegeen in madaxweynuhu uu sidii caadiga ahayd ugu soo laaban doono Suudaan.

Shirka Midowga Afrika ayaa waxaa shir-guddoominaya Madaxweynaha dalka Zimbabwe, Robert Mugabe oo ah Guddoomiyaha Sannadkan ee Midowga Afrika, Wuxuuna si adag u cambaareeyay go’aanka Maxkamadda Koonfur Afrika ee xayiradda dhanka socdaalka ah lagu saaray Madaxweynaha Suudaan.

Hoggaamiyeyaasha Afirka ayaa la filayaa in shirkoodan ay kaga doodaan go’aanka kasoo baxay manta Maxkamadda Koonfur Afrika iyo dalabka Maxkamadda Caalamiga ah ee ICC ay ku doonayso in loogu gacan-geliyo Al-bashiir.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya