4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 14, 2015
SIILAANYO oo ka War-bixiyay Safar uu ku Tagay Dalka Isku-tagga Imaaraadka Carabta (SAWIRO)


Axad, Juun 14, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Siilaanyo iyo Wafdi uu horkacayay ayaa sheegay inay mashaariic kala duwan ay u ballanqaadeen Imaaraadka Carabtu inay dalka ka fuliyaan.

Sidaasna wuxuu ka sheegay ka dib markii uu safar siddeed cisho qaatay oo uu ku maqnaa dalka Imaaraadka Carabta, waxaanu sheegay inay kulamo la qaateen madaxda dalkaasi.

Madaxweynaha Somalialnd iyo Wafdigiisa waxaa Madaarka Hargeysa kusoo Dhaweeyay madaxweyne ku xigeenka iyo masuuliyiinta goleyaasha Qaranka.

“Waxaanu dalka ka maqnayn muddo sideed cisho ah, waxaanu tagnay Imaaraadka carabta, halkaas oo aanu kula kulanay danaha labada dal iyo wixii wax wada qabsi ah. Waxaa jirtay mashaariic badan oo ay balan qaadeen, kuwaasoo aan rajaynayo in dadkii ku shaqo lahaa ama xilalkeeda hayay halkan iman doonaan oo ka shaqayn doonaan sidii hawlahaas loo kicin lahaa” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Sidoo kale, wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in mashaariic kala duwan u ballanqaadeen Imaaraadka Carabtu, kuwaas oo dhowaan ay ka fulin doonaan.

“Waxaanu kala soo hadalnay mashaariic ay hore u balan qaadeen iyo kuwo cusub,kuwaas oo aanu u aragno inay yihiin mashaariic wadanka horumarinaysa, kuwaas oo ku lug leh biyaha,Laydhka, iskuulo, cisbitaalo, jidad, amaanka iyo qaxoontiga faraha badan ee Yemen ka yimid sidii wax loo tari lahaa” ayuu yidhi Wasiir Biixi.

Wasiirka arrimaha dibada ayaa sidoo kale sheegay in madaxda Imaaraadku si heer sare ah u qaabileen, xidhiidh wax wada qabsina dhexmaray. Waxaana uu sheegay inay fulinayaan mashaariicda adeeggyadada aasaasiga ah ku saabsan ee ay balan qaadeen.

Biixi waxaa kale oo uu Xusay inay Madaxda sar-sare ee shirkadda DP World ee Dekadda dhista isku arkeen intii ay Dubai joogeen, Waxaanu Sheegay in Khuburo ku Takhasustay arrimaha Dekaddaha u direen sidii ay u soo kala saari lahaayeen shirkadaha caalamiga ah ee danaynaya dekadda Berbera inay maalgaliyaan.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland