4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 14, 2015
Jen. Wamala oo askarta Uganda uga digay inay xiriir la sameeyaan Haweenka Somalia (Sawirro)


Axad, Juun 14, 2015 (HOL) — Taliyaha Ciidanka Milateriga dalka Uganda, Jen. Katumba Wamala oo la Hadlayay Ciidammo ka tirsan kuwa Uganda oo ka mid noqonaya Howlgalka AMISOM ee Somalia ayaa uga digay inay xiriir la sameeyaan Haweenka Soomaaliya.

Jen. Wamala ayaa sidoo kale Haweenka ka tirsan Ciidamada dalka Uganda uga digay inay iyaguna xiriir la sameeyaan Ragga Soomaaliyeed, wuxuuna sababta ku sheegay inay dhici karto inay taasi sababto in askarta la shirqoolo lana dilo.

“Waxaan idin kaga digayaa inaad xiriir la sameysaan Haweenka iyo Ragga Soomaaliyeed, Waayo waxaa dhici karta in Qofka aad Xiriirka la sameysay uu ka mid yahay kooxaha aad dagaalka kula jirtaan,” ayuu yiri Jen. Wamala.

Ciidamada uu taliyuhu la hadlayay ayaa waxay isugu jireen kuwa dalka Uganda ee Qaybta ka ah Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo ciidanka ilaalada xarunta Qaramada Midoobay ee Somalia oo ka socda WaddankaUganda.

Taliyaha Millateriga dalka Uganda ayaa Hadalkan jeediyay shalay oo Sabti ahayd, mar uu la hadlayay Ciidamo tiradoodu ahayd 1972 Askari oo isugu jiray 1442 askari oo AMISOM ka tirsan iyo 530 Askari oo ka mid ah ciidamada Ilaalada Qaramada Midoobay ee Somalia.

“Askartan Waxay ka kala Tirsan yihiin Guutada 16-aad iyo Guutada 13-aad ee Ciidamada Uganda, Waxayna soo bedeli doonaa Ciidammo ka Tirsan kuwa Howl-galka AMISOM oo Xilligoodii Shaqo uu u Dhammaaday,” ayuu yiri Jen. Wamala

Sidoo kale, Taliyaha ayaa kula dar-daarmay Ciidankan oo maanta loosoo duuliyay Somalia inay Howshooda si wanaagsan u gutaan, Wuxuuna sidoo kale kula Taliyay in Askari walba inuu ilaaliyo Sharaftiisa iyo Tan Qarankiisa.

Hadalka Taliyaha Ciidamada Millateriga Uganda ayaa ku soo Beegmaya iyadoo Askar ka Tirsan Ciidamada Uganda ee Qaybta ka ah howlgalka AMISOM lagu eedeeyay sannadkii lasoo dhaafnay inay Kufsi u Geysteen Haween Soomaaliyeed oo Xerooyinka AMISOM u soo doontay dawo iyo cunno.

Dalka Uganda ayaa ah dalka ay ciidamada ugu badan ee AMISOM ay ka joogaan Somalia, Sidoo kalena waa dalkii ugu Horreeyay oo Ciidammo Nabad-ilaalin ah u soo dira Somalia Sannadkii 2007-dii, xilligaas oo ay Muqdisho ku sugnaayeen Ciidammo Itoobiyaan ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya