4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 14, 2015
Sarkaal ka Tirsanaa Ciidamada Somaliland oo lagu dilay Degmada Ceeri-Gaabo ee G/Sanaag


Axad, Juun 14, 2015 (HOL) — Taliyihii Guutada saddexaad ee Ciidamada Koofiyad Casta ee Somaliland, G/lle Siciid Cabdi Warsame ayaa xalay lagu dilay Degmada Ceeri-gaabo ee Gobolka Sanaag, iyadoo dilkan uu geystay askari Ciidamadiisa ka tirsanaa.

Guddoomiyaha Gobolka Sanaag ee Somaliland, Axmed Cabdi Fly ayaa Xaqiijiyay Dilka Taliyahan ka tirsanaa Ciidamada Somailland, isagoo Shaaciyay in Askari Ciidamadiisa ka tirsan uu toogasho ku dilay.

Sidoo kale, Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Xaaji Cali Cadami oo isna la hadlay BBC-da ayaa u sheegay in Askariga dilay geystay uu sarkaalku horay u xiray, dhawaanna cafis lagu sii daayay, kaasoo ku dilay taliyihiisa Maqaahi Shaaha laga cabo oo uu joogay .

“Askariga wuxuu ahaa askari aan wax darajo ah lahayn, laba xabbadood ayuu uga dhuftay labada gacmood, wuxuuna Gaashaanluhu u dhintay dhiig bax,” ayuu yiri Wasiirka Difaaca Somaliland.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in Askarigii dilka geystay uu baxsaday, balse dabo-gal lagu hayo oo lasoo qaban doono, iyadoo wasiirku uu sheegay inay ka xun yihiin in Somaliland ay kusoo korortay dilalka ay askartu u geysanayaan saraakiishooda.

“Ma ahan wax aan dafirayno in xilliyadan dambe ay nagu soo kordheen dilalka ay askartu isku geysanayaan dhexdooda, waana arrin nagu cusub, balse tallaabadii loo baahnaa waanu qaadnay, askari walba oo dil geystana waxaa isna lagu fulinayaa qisaas,” ayuu hadalkiisa ku daray Cadami.

Dhanka kale, wasiirka oo wax laga weydiiyay xisado u dhexeeya Somaliland iyo Puntland ayaa sheegay inaysan arrintu ahayn sida loo sheegayo, wuxuuna intaas ku daray in rasaasta dhacaysa ay noqon karto mid damaashaad ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya