4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 14, 2015
Maxkamad ku taalla Dalka Koonfur Afrika oo ku Amartay Al-bashiir inuusan ka bixi karin dalkaas


Axad, Juun 14, 2015 (HOL) — Maxkamad ku Taalla Dalka Koonfur Afrika ayaa Maanta Amartay in madaxweynaah Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir uusan ka bixi karin dalkaas, tan iyo inta ay go’aan ka gaarayaan inay ku wareejiyaan maxkamada ICC iyo in kale.

Al-bashiir ayaa dalka Koonfur Afrika u jooga ka qayb-galka shir Madaxeedka 25-aad ee Ururka Midowga Afrika, iyadoo maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC ay ka dalbatay xukuumadda Koonfur Afirka inay xirto madaxweynaha Suudaan oo loo haysto dambiyo dhanka xuquuqda bani’aadamka ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Suudaan, Cali Axmed Karti oo ku sugan Magaalada Johannesburg ayaa u Sheegay Wariyeyaasha amarka maxkamadda kaddib in ICC ay tahay maxkamad beegsata Hoggaaamiyeayasha Afrika oo keliya.

“Madaxweyne Al-bashiir waa madaxweyne, wuxuuna xubin ka yahay madaxda ka socda Afrika ee shirka uga qaybgalaya dalka Koonfur Afrika. Isagoo sii wadanaya ka qaybgala shirka Midowga Afrika,” ayuu si ay caro ku jirto u yiri Karti.

Cumar Al-bashiir ayaa tagay dalka Koonfur Afrika xalay, iyadoo maxkamadda ICC ay ka dalbatay xukuumadda dalkaas inay xirto si ay gacanta ugu soo geliso, balse lama oga go’aanka ay xukuumadda Sudan ka qaadanayso tallaabadan cusub ee ay amarka ku bixisay maxkamadda dalkaas.

Wariyeyaasha ku sugan Johannesburg ayaa sheegaya in inkastoo Koonfur Afrika ay ka mid tahay dalalka saxiixay heshiiska maxkamadda dambiyada dagaalka ee ICC aysan haddana u muuqan inay Al-bashiir ku wareejinayso Maxkamaddaan.

Ururrada Xuquuqda Aadanaha iyo Xisbiyada Mucaaradka ah ee dalka Koonfur Afrika ayaa iyaguna ku baaqay in la xiro madaxweynaha Suudaan Al-bashiir oo loo haysto eedeymo ku saabsan inuu xaquuq ka geystay Gobolka Daarfuur ee Sudan Sanadkii 2003-dii.

Dhanka kale, madaxweynaha Koonfur Afrika, Jacob Zuma ayaa sheegay inaysan ka suuro-geli karin xukuumaddiisa inay mas’uul Afrikaan ah oo shir u yimid dalkiisa ku wareejiyaan maxkamadda dambiyada dagaalka ee ICC.

Ugu dambeyn, Ururka Midowga Afrika ayaa horay u diidday Qaabka ay ku Shaqeynayso maxkamadda ICC, iyagoo ku eedeeyay inay si gaar ah u beegsanayso Hoggaamiyeyaasha dalalka Qaaradda Afrika.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya