4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 14, 2015
Al-shabaab oo Weerartay Saldhig Millateri oo ku yaalla Deegaanka Lamu ee gobolka xeebta Kenya


Axad, Juun 14, 2015 (HOL) — Al-shabaab ayaa Weerar kale oo Khasaare Nafeed Geystay ku qaaday Gudaha dalka Kenya, iyadoo Xukuumadda Kenya ay sheegtay in kabadan 11-qof oo ka tirsan xoogagga Al-shabaab iyo labo askari oo ka tirsan millateriga Kenya ay ku geeriyoodeen weerarkaas oo ka dhacay Lamu oo ka tirsan deegaannada ku yaalla Gobolka Xeebta ee dalka Kenya.

Ciidamada Kenya ayaa sheegay in xoogaggan Al-shabaab ka tirsan ay isku dayeen inay Weeraraan xero millaterigu leeyahay oo ku taalla deegaankaas. waxaana la sheegay in weerarkan uu dhacay 5:45 aroornimadii hore ee maanta.

Afhayeenka Millateriga Kenya, Col. David Obonyo ayaa Shaaciyay in Weerarkaas ay ku dileen 11 dagaalyahan oo ka tirsan Xoogaggii Al-shaabab ka tirsanaa ee weerarka kusoo qaaday xerada, kuwaasoo labo ka mid ah ay ahaayeen ajaanib caddaan ah oo Al-shabaab u dagaalamayay.

Sidoo kale, Col. Obonyo ayaa intaas ku daray in labo askari ay dhankooda kaga dhinteen weerarkan. Isagoo xusay inay xoogaggii kale dib ugu laabteen halkii ay ka yimaadeen.

Col. Obonyo ayaa hadalkiisa raaciyay in hub fara badan laga furtay xoogaggii Al-shabaab ka tirsanaa ee soo weeraray ciidamadooda, isagoo sheegay in hubkaas ay ka mid ahaayeen; Toddobo qori oo kuwa fud-fudud ah, Shan Baasuukaha garabka laga gano ah iyo 18 sidoo kale, xabbado iyo bambaanooyinka gacanta.

Al-shabaab ayaan weli ka hadlin Khasaaraha la sheegay inuu kasoo gaaray Weerarka ay ku Qaadday Xerada Ciidan oo ku Taalla Lamu iyo Dhimashada 11-ka Xoogaggooda ka tirsan ee ay sheegtay Kenya inay Weerarkaas ku dishay.

Dhanka kale, Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa la Sheegay inay galeen Deegaan ka tirsan Lamu, Halkaasoo ay Dadkii Deggenaa Khudbad Muddo Saddex Saacadood ah Qaadatay u jeediyay, ka hor inta aysan dab-qabadsiin xarun caafimaad iyo iskuul ku yaalla halkaas.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa sheegtay in 24-ki saacadood ee lasoo dhaafay ay Gudaha Kenya ka geysteen Afar weerar, kuwaasoo labo ka mid ah ay ka dheceen Gobolka Xeebta iyo labada kalena ay ka dhaceen Gobolka Woqooyi-bari-Kenya.

Si kastaba ha ahaatee, Weerarradan ayaa kusoo beegmaya Sannad kaddib Markii Xoogag ka tirasn Al-shabaab ay Weerarro khasaare geytay ku qaaday deegaannada Xeebta Kenya ku yaalla, kuwaasoo ay ka mid tahay Mpeketoni oo ku dileen lixdameeyo qof.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya